SHIRKII DALALKA CARABTA OO MAROOKO KA FURMAY IYO ARRIMO SOOMAALIYA KHUSEEYA OO LAGAGA HADLI DOONO.

Nouakchott(GNNhirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa shalay ka furmay Magaalada Nouakchott dalka Mauratania ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda carabta.

Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah khilaafka u dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo ,Iraan ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda, Yemen iyo Libaya iyo xaalada guud ee Soomaaliya.

Warbaahinta caalamka oo soo xiginaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonto Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qodobada Hor u dhac ah ee laga helayo kulanka maanta ka furmay dalka Mauratania ayaa sheegaya in wadamada Jaamacadda Carabta ay codsi u gudbin doonaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ,kaas oo ku aadan in cuna qabateynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya, madaama ay dowladda Soomaaliya dagaal culus kula jirto Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee dalka Kuwait ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga hadlayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha Hore.