Shirwaynihii Lixaad ee Jaaliyadda Qurbajoobta UK ee DDSI ( Isaaq ) oo ka qabsoomay London,Wafti la filaayo in ay u ambabaxaan xarunta Itoobiya

Waxa maalintii Axada.10/07/2016 ka qabsoomay Shirwaynihii Lixaad ee Jaaliyadda Qurbajoobta UK ee DDSI ee Isaaq ama Isaaqa Ethiopia badhtamaha London Shirkaas oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen dhamaan dadyowga kala duwan ee Jaaliyadda Isaaqa Ethiopia iyo Gudiddii Jaaliyaduba waxaa  aad looga hadlay dhacdadii foosha xumeyd ee Niyuu boolisku ka geysteen Jaamac Dubad, isku xidhka Jaaliyadda laamaheeda UK iyo Yuruba.

IMG_9463

IMG_9533Waxa shirka oo qaatay saacado badan aadna looga soo qayb galay aad looga dooday mideynta iyo isku duubnida Qurbajoobta UK ee DDSI ee Isaaq iyo kuwa ku nool DDSI, Waxa kale oo shirka  ay isugu yimaadaan waxgaradka iyo Odayaasha Beeshu  go’aan ku gadheen 23 July shir weyn la isugu yimaado sidii loo der-der galin lahaa la-isuguna diyaarin lahaa Wafti balaadhan oo u anbaxaxa Addis Ababa xarunta dalka Etoobiya, si culeys loogu saaro xukumadda dhexe ee Etoobiya xasuuqii ay ka geysteen Niyuu boolisku Jaamac Dubad iyo tacadiyaha lagu hayo shacabka DDSI.Waxa kale oo waftigu ay raadin doonaan  xuquuqda Beeshan kaga maqan Dawlada Ethiopia.IMG_9532

Waxa kale oo laga dooday in la xoojiyo lana sii wado dhaqdhaqaaqii Siyaasadeed ee Beesha Caalamka iyo Dawlada Ethiopia ba Loogu sheegihaa duruufaha taagan kuwii tegay iyo kuwa laga filayo Maamuulka DDSI ee xasuuqa ba’an ka wada Degaanka Beeshani degto.IMG_9518

Shirka oo aad u balaadhnaa waxa uu ahaa mid si weyn looga soo qayb galay,kana muuqatay shirka in arimaha DDSI ay sii laba-laabayaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dhibaatada lagu hayo shacabka DDSI ee Isaaq.IMG_9489

Kulanka waxa uu kusoo idlaaday GUUL.

G.NET,London

IMG_9467IMG_9519IMG_9530IMG_9458IMG_9459IMG_9460IMG_9461
IMG_9464IMG_9469IMG_9470IMG_9471IMG_9472IMG_9475IMG_9476IMG_9477IMG_9481IMG_9482IMG_9483IMG_9486IMG_9487IMG_9489IMG_9491IMG_9493IMG_9500IMG_9506IMG_9508IMG_9509IMG_9510IMG_9511IMG_9512IMG_9514IMG_9515IMG_9517IMG_9518IMG_9521IMG_9522IMG_9523IMG_9524IMG_9526IMG_9527IMG_9528IMG_9529IMG_9532IMG_9533