Somaliland Xukumadu Haday Shaqadadeedii Dawladnimo Gabtay Dadka Yaanay isu Hoosaasin ee Ha isu Dayso

Waxaan maanta ka hadlayaa mudaharaadada beelaysan ee ka dhacay degmada sheekh iyo nawaaxigeeda kuwaasoo waxyeelo kasoo gaadhay shacabkii iyo gaadiidkii u kala gudbayay gobolada Somaliland waxaana dhacay khasaare u badan gaadiid la jajabiyay iyo cadibaad fara badan oo kasoo gaadhay shacabkii iyo rakaabkii wadada marayay oo qaarkood kusoo laabteen magaalada burco halka kuwii ka yimi galbeedka ilaa maqribkii ku xayirnaayeen tuulada hudusa hadaba waxaasoo dhami ma aha wax lala yaabo waxaase madaankayga ka degi wayday oo runtii igu keliftay inaan mediaha kusoo bandhigo dhacdo mudaharaadkaasi siwayn uga dhex muuqatay oo ah gawaadhida HABAR JECLO ma mari karto wadada taasoo ay ka midaysnaayeen dhamaanba dadkii rabshadaha waday waana arin ugub

ku ah Somaliland xitaa wakhtigii dagaadii sokeeye ee meel walba qoriga lala taagnaa ee aanay cidina is bixinayn haday tahay shakhsi iyo haday tahay beel midna rabshadahan oo sida la ii sheegay daba socotay xukun dil ah oo lagu riday kooxdii fulisay dilkii waxshinimada ahaa ee loogu dilay taliyihii booliska gobolka saaxil gaashaanle cabdirisaaq yuusuf casayr kana dhacay tuulada biyalay arintaas oo maxakamada ciidamadu shalay soo gunaanaday kuna riday sideed kamid ah dablaydaas badidoo maqane ahaayeen xukun dil ah hadaba waxaa muuqata maanta oo somaliland jirtay 26 sano lana odhan karo maanta ayay awoodeena dawladnimo ugu xoog wayntahay dhinaca kale marka laga eego heerka qabyaaladu maraysona waxaa la odhan karaa maantay ugu liidataa hadaba waxaan dawlada usoo jeedin lahaa inay garato shaqadii loo igmaday lana dagaalanto qabyaaladan xadhkaha goosatay hadii sidaa lagu soo eegtona waxaa dhici karta in reeruhu iskula dareeraan waxaan kusoo gunaanadayaa dawaladeey ha isu hoosaasin shacbiga ee hadaydaan waxba ka qabanayn isu daaya beelaha toodii reernimo ha ku xaajoodeene

ALAA MAHAD LEH
AQOONYAHAN
CILMI JAAMAC CAWED
*********************************************************************

Gabileynews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Gabileynews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga