TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADA FLORIDA OO 2 QOF LAGU DILAY

Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux lagu dilay dad badan oo kalana lagu dhaawacay toogasho ka dhacday baar ku yaalla Florida.

Dhacdadaasi waxay ka dhacday magaalada Fort Myers.

Waxaa la sheegay in ay halkaas xalfad ku lahaayeen dhallinyaro.

Dadka dhaawaca ah ayaa lagula cararay Isbitaaladda magaalada waxaana qaaday gawaarida gurmadka dagdaga ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay baarayaan waxa dhaliyay weerarka subaxnimadii dhacay.

Hal qof ayaa loo xiray dhacdadan, su’aalo ayaana la waydiinay

Source BBC