Waftigii Wasiirada Ahaa Ee Somaliland Ee Ku Sugnaa Jigjiga Oo La Kulmey Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya SAWIRO.

wafti kasocday somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada somaliland  Sacad Cali Shire oo ay kuwehelinayeen wasiirka arimaha gudaha ee somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa la kulmey Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan iyo mas’uuliyiinta kaladuwan ee hay’adaha amniga iyo cadaalada DDSI.

Waxaana ugu horayn furitaankii kulankan kahadlay madaxwaynaha DDSI  Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si xurmo leh u qaabilay una soo dhaweeyay waftigan islamarkaana kalahadlay sidii labada dhinac ay usii wada xoojin lahaayeen heshiiskii ay wadagaleen dawlada federalka itoobiya iyo somaliland oo ahaa nabadgelyo kuwada noolaanshaha, daris-wanaaga, adkaynta amniga xuduudaha, is-jacaylka iyo wadashaqaynta bulshada walaalaha ah ee labada dhinac. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in dawlada itoobiya iyo somaliland gaar ahaan DDSI iy Somaliland ay yihiin dad iskudan ah oo aan marnaba kala maarmin islamarkaana cidkasta oo iskudayda inay dhibaato kadhex abuurto dariska isjecel ee walaalaha ah aysan marnaba usuurtagalaynin oo ay hal meel ah uga soo wada jeedsanayaan Isagoo uga mahadceliyay dhaqan-galinta heshiiskii hore iyo kudhiiranaanta hirgalinta iyo wadashaqaynta tooska ah islamarkaana ku amaanay nabad jacaylka iyo walaalnimada reer somaliland. Ugudanbayna, madaxwayne CMC ayaa salaan u diray madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo dhamaan shacabka reer somaliland.

Log11