Xog-ururin ku saabsaan Ku iibsiga Internetka (Online shopping) ee sayladaha Caalamka oo ku soo fidaya Somaliland.

Sidaad ka warqabto aduunyada waxa isbadalay sidii wax loo kala iibsanayay ee hore loo caadaystay.
Tusaale ahaan; AMAZON waa shirkad wayn oo maraykan ah oo aduunyada daafeheeda ku fidsan. Waxaad wax kaga iibsan kartaa adiga oo jooga gurigaga. Wixii aad iibsato waxaa lagugu keenayaa gurigaaga.
Waxa is badalay oo kale dukaamadii laga kiraysan jiray faras magaalaha oo lagu kiraysan jiray lacag aad u fara badan; waxaa badalay iyadoo la sameeyay goobo ganacsi oo ah bogaga internetka. CLICK AND COLLECT oo ah guji oo qaado waa farsamo cusub oo ay dukaanada waawayn ee caalamku sida John Lewis ama SUUQ.COM oo ku kala yaala Ingriiska iyo United Arab Emarites ama qaar kale oo badan ay wax ku gadaan.
Hab-ganacsigani waxa uu curiyay fursado ganacsi oo soo xareeyay macaash aad u badan isla markaana waxa uu u badbaadiyay dadkii wax ka iibsanayay goobahaas waqti iy lacag.
Arrinkaasoo ku fiday caalamka ayaa imikana ku soo fidaya Somalialand oo noqotay meel kaga horraysa mandaqada firficooni dhinaca horumarka ganacsiga iyo tiknoolagiyada ah.
https://cranfielduniversity.