Xulka Qaranka dalka Portugal oo ku guulaystay Koobka Qaramada Yurub

France(GNN):-Sports..Xulka qaranka Portugal ayaa ku guulaystay koobka qaramada Yurub ee Euro 2016 kadib markii waqtiga dheeriga ah ku garaaceen xulka qaranka marti galinayay Euro 2016 ee France. Gool dhaliya oo uu waqti danbe dhaliyay Eder ayaa Portugal ka caawiyay in ay markii ugu horaysay taariikhda ay ku guulaystaan koobka qaramada Yuruub. Oohintii Cristiano Ronaldo ee dhaawicii soo gaadhay ayaa markii danbe isku badashay oohin farxadeed.

Kulanka kubbada cagta Yurub ugu wayn ee finalka Euro 2016 ayaa Waxaa Caawa kulmiyay xulalka qaramada France iyo Portugal, waxayna martigaliyaasha Euro 2016 ee France ay doonayeen in ay jamaahiirtooda horteeda ku qaadaan koobka qaramada Yurub halka xulka qaranka Portugal ay doonayeen in ay markii ugu horaysay koobkan ku guulaystaan oo ay taariikh abuuraan, Balse gabagabadii Ciyaartii oo Ahay mid labada Kooxoodba Soo bandhigeen Ciyaar Wanaag, Ayaaney usuurto galin Xulka qaranka France oo looga Cabsi Qabay Koobkaasi Ku guuleystaan.

.daawo-muuq-11 22-1-768x513 33-1

 

HARGEISA SOMALILAND

GABILEY NEWS NETWORK

AXMED ALMIS.