Daawo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Finland iyo Swedan oo Dagmada Geedbalaadh Gaadhsiiyay Deeq Ka Koobnayd Adeegyada Wax Barshada iyo Caafimaadka

Gabiley(GNN) Gudoomiyaha Kulmiye ee Jaaliyada Wadanka Fiiland  Iyo Xoghayaha Xisbigasi Ee  Swedan oo Mudooyinkan Ku Sugnaa Somaliland Ayaa Kormeer Ku indho indhayna Ku Soo Maray Dagmada Geed Balaadh ee Ka Tirsan Gobolka Gabiley Si Uu Ugu Kuur Galo Xaalada dhabta ah Ee Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Deegaankani Geed Balaadh  Waxaanu Kulamo La Qaatay Salaadiinta , Cuqaasha , Waxgaradka, Iyo Mamulka Dagmada Geed Balaadh oo uu Ka Xogwaraystay Baahiyaadka Arimaha Bulshada ee Dagmadani islamarkana Gudoonsiiyay Deeq Ka Koobnayd Adeegyada Wax Barshada iyo CaafimaadkaGudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Jaaliyada Wadanka Fiiland Axmed C/laahi Khaliif  iyo Xoghayaha isla Xisbiga Kulmiye ee Wadanka Swedan  ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Deeqdani

Isagoo Ku Booriyay Inay Gacmaha isku Qabsadaan Dadka Deegaankani sidii ay Hormar uga Samayni Lahaayen Degmada Geedbalaadh Waxanu xusay In Xukuumada Axmed siilanyo Ay Ka Goantahay Waxqabad La Taaban karo Inay Ka Samayso Gobolada Dalka Marka ay Dadka Deegaanku isku Tashadaan iyagu

 

 

 

Salaadiinta , Cuqaasha , Waxgaradka, Iyo Mamulka Dagmada Geed Balaadh ee Damadani Ayaa Ka Mahad Celiyay Deeqdani

Si Kastaba Ha Ahaatee Gudoomiyaha Jaaliyada Wadanka Filand ee Xisbi Xaakimka Kulmiye  Axmed C/laahi Khaliif oo Taagero Mug Iyo Miinsaan Leh, Ku Dhex Le Dagmadani Geed Balaadh Ayay Taasi Sobobi Kartaa in Mar Labaad Deegaankani Geed Balaadh Codkooda Siiyaan Xisbi Xaakimka Kulmiye

 

Gabiley.Net

office Gabiley