DAAWO SAWIRO BILICLEH:Waftiga Madaxwaynaha JSL Oo Gaadhay Magaalada Laascsaano iyo Dhagaxdhiga Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgeliyay Deegaanadaasi

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Taasi waxay muujinaysaa shacbiyada Madaxweynaha, hilowga, niyad-samida iyo taageerada uu madaxweyne Siilaanyo uu bulshada ku dhex leeyahay, isagoo makrii hore lagu doortay cod boqolkiiba konton ah (50%), maanta oo uu lix sano dalka xukumayey in taageeradiisii ay korodhay mooyee aanay hoos u dhicin, taasi waxay ka mid tahay nasiibada ay helaan hogaamiye-yaal farro ku tiris ahi, madaxdu sidaadaba dunida waa laga xiiso dhacaa marka ay xukunka mudo hayaan, waa wax iska dhaca, marka laga tago khaladaadka siyaasadeed ee ay galaan. Dadkaas maanta Madaxweynaha soo dhaweeyey oo aan cidka ka shaqayn iskoodna u soo baxay, wado wal oo aanu maranayna way taagnaayeen oo caleemo qoyan ayey siteen oo madaxweynahooda ku qaabilayeen, taasi waxay muujinaysaa dareenka iyo jacyalka ay dadku u hayaan hogaamiyahooda, dareenka iyo quluubta dadkana lama iibsado, markaad dadweynahaas jidka Halaya ilaayo Caynaba nagu soo dhawaynayey waanu u mahad naqaynaa.” Wa Salaamu Calaykum wa Raxmatulaahi wa Barakaatuhuu. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
Gabiley.Net,Laascaano