Dhimashada weerarka hotelka SYL ee Muqdisho ayaa korodhay

Muqdisho(GNN)Sida ay wararka sheegayaan ugu yaraan laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay weerar qarax baabuur oo lagu qaaday hotelka SYL ee Muqdisho. In ka badan soddona way ku dhaawacantay.

Masuuliyiinta Soomaaliya ee ay ka mid yihiin madaxweynaha, ra’iisalwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa cambaareeyay weerarka.

sourec BBC