Gudoomiye Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Socdaalkiisa  

Hargeysa(GNN)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa safar deg deg ah ugu baxay dalka itoobiya gaar ahaana magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Waxaana gudoomiye Cirro ujeedada socdaalkiisu daaran tahay sida ay ilo wareedyo ka agdhaw noo sheegeen marti qaad uu ka helay madaxda dalka itoobiya iyo inuu ka qayb galo kulan ay yeelaanayaan madaxda dalka Itoobiya oo lagaga hadlayo arimo khuseeya Somaliland.

Gudoomiye Cirro ayaa waxa la filayaa inuu inta uu joogo dalka itoobiya uu kulamo la qaato madaxda dalka itoobita iyo masuuliyiin kaleba.