Sidoo kalena ciidamo ay soo dirtay maamulka Puntland ayaa iyaguna ku dhex sugan magaalada buuhoodle sida ay wararku nagu so gaadhayaana waxay ciidamadu ku hubaysan yihiin saanadoodii ciidan.
Waxaana masuuliyiintan ku dhex sugan magaalada buuhoodle ay magacyadoodu kala yidhiin sida ay shabakadda Ramaasnews u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada buuhoodle
- Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan (Guul)
- Wasiiru dawlaha qorshaynta maamulka Puntland Axmed Ibraahin Cawaale
- Xildhibaan ka tirsan maamulkaas oo magaciisa naloogu soo gaabiyey Maxamed Sayid
- Iyo taliyaha cidamada daraawiishta maamulka Puntland.
Xubnahan ka kooban afarta ayaa ay maamulka Puntland usoo direen sidii ay khal-khal u galin lahaayeen diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka bilaabmatay gobolka sool iyo deegaano ka tirsan degmada Buuhoodle.
Dhanka kale xukuumadda Somaliland ayaa iyadu ilaa hadda ka hadal xubnahan ka socda maamulka Puntland ee magaalada buuhoodle u jooga sidii ay u carqaladayn lahaayeen diiwaangalinta ka socota magaalada buuhoodle iyo deegaano ka tirsan gobolka sool.