Labada Agaasime Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Digreeto Kale …..

Madaxwayne Siilaanyo ayaa dhawaan isku shaandhayntii uu ku sameeyey qaar kamida golahiisa xukuumadda waxa uu booskii agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha u kala jabiyay laba boos,waxaana uu agaasimihii guud ee hore Cabdifataax Siciid Maxamed ka dhigay agaasimaha dawladaha hoose ee wasaaradda arimaha gudaha halka uu agaasime kalena oo uu kusoo kordhiyay wasaaraddaasina Xasan Nuur Abakor (Xasan Jabiye) ka dhigay agaasimaha amniga ee wasaaraddda arimaha gudaha .

Tan iyo maalintaas ilaa hadda waxa labadaasi agaasime ka dhex aloosan khilaf xaga shaqada ah isaga oo mid waliba dhinaciisa ku sheeganaya ahaansha agaasimaha guud ee maamulka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland.

Labadii cisho ee ugu danbeeyey waxa uu agaasimihii guud ee hore ee iminka digreetada loogu soo magacaabay agaasimaha dawladaha hoose ee wasaaradda arimaha gudaha Somaliland uu gidaarada wasaaradda kusoo dhajiyay digreeto kale oo aan warbaahinta laga shaacin oo uu ku sheeganayo in markale ay madaxtooyadu u cusboonaysiisay xilkiisii isla markaana uu yahay agaasimaha maamulka wasaaradda dawladaha hoose iyo gobolada,arinkaasi oo doodo xasaasi ah ka dhex dhalisay shaqaalaha wasaaradda kuwaasi oo si wayn u qaadaa dhigayay awood sheegashooyinka ka dhex aloosmay labada agaasime iyo sida aanay u kala cadayn shaqooyinka ay qabanayaan ee wasaaradda arimaha gudaha (Job Description) .

Waxa kale oo dood culus dhalisay digreetada danbe ee aan saxaafadda lasoo marin ee Cabdifaraax Siciid Maxamed kasoo qaatay madaxtooyadda.

Waa markii u horeysay ee wasaaradda arimaha guduhu yeelato laba agaasime ,lamana garanayo sababaha ku kalifay inuu madaxwayne Siilaanyo u sameeyo wasaaraddaasi laba agaasime.

Sidoo kalena agaasimaha amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Xasan Nuur Jabiye Ayaan la ogayn talaabadda uu isna dhinaciisa ka qaadanayo digreetadan danbe ee laga soo daba saaray.

Log11