Madaxwayne Ku Xigeenka Kooxda Khaatumo Oo La Sheegay Inuu Faro Ciddidood Kaga Badbaaday Gacanta Ciidamada Qaranka Somaliland

Ninkan kooxdaasi ugu magacaaban madaxwayne ku xigeenka ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba gobolka buuhoodle ka waday isaga iyo koox la socotay dhaq-dhaqaaqyo ay doonayaan inuu ku kiciyaan bulshada deegaanada gobolka buuhoodle isla markaana waday qorshe uu ku marin habaabinayaan diiwaangalinta codbixiyayaasha ee sida habsamida leh uga socota gobolka sool iyo buuhoodle .

Waxaana sida xogahani noo sheegeen ay ciidamada qaranku jid gooyo ugu galeen deegaano u dhaw degmada Boocame oo socdaal ugu tagay,isaga oona ciidamada faro ciddidood kaga badbaaday ciidamada qaranaka.

Ciidamada qaranka Somaliland ee ku kala sugan jiidaha hore ee buhoodle iyo sool ayaa heegan culus ku jira iyaga oona sida naloo sheegay ku daba jira soo qabashada koox ku sugan deegaanada gobolka sool iyo buuhoodle oo wada qorshe ay doonayaan inay ku khal-khaliyaan diiwaangalinta.