Maxaa Sabab U Ah Inuu Burburka Intaasi Leeg Ku Yimaado Dugsigii Qadiimiga ahaa Ee Qalax secondary school

A/c marka hore sacaadatul Wasiir. Waxaan ahay muwaadin Dagan Degmada Gabiley, oo kamid ah shaqsiyaad u riyaaqay habka hufan ee raganimadu ka muuqato ee aad durba qabatay intii aad joogtay wasaaradan. Allah ha kaa jasaa’i siiyo. mudane wasiir waxaan donayaa in aan daboolka kaaga qaado khilaaf bayrahan hadheeyey Iskuulka taariikhiga ah ee Qalax oo ku yaala duleedka waqooyi ee Magaalada Gabiley. Sacaadatul wasiir hadaan faahfaahiyo xogta aan ka hayo aya waxay tahay sadex arimood oo sobobi kara in Iskuulkaasi xidhmo sadex sano kadib hadii aan si degdeg ah loogu gurman. 1. Maamulka Dugsiga : waa ninka la yidhaa Aws. qiyaastii wuxuu xilkan qabtay 2004, waqtigaasi waa markii ugu danbaysay in dugsiga sare ee Qalax galo kaalmaha hore ee Imtixaanka shahaadiga ah waliba shanta kaalmood ee ugu sareeya ayay Qalax sadex kamida qaadatay, halka tobanka ugu horeeya ay shan ka qaadatay . dadaalkii sidaa ahaa waxaa lahaa isaga hortii ragii Joogay. Waa Maxamuud Ogadeen, iyo Xasan Biology oo ahaa ragii isaga ka horeeyay. hadaba isagu muxuu soo kordhiyay? Hab maamulkiisu waa sidee ? wuxuu soo kordhiyay in ilaa maanta dugsiga Qalax ku talo galin inuu kaalmo galo. hab maamulkiisuna waa subaxdii inuu yimaado 7:00, kadibna 8: 00 subaxnimoba suuqa ayuu isaga soo noqdaa isagoo iska fadhiista bakhaar ku yaal suuqa oo rag ay saaxiibo yihii oo uu ka dhigtay Gudida Waalidiinta wax barashada Gobolka halkaa wada fadhiyaan. ma oga waxa ka dhacaya dugsigii uu gacanta ku hayay, cid ka hadli kartaana ma jirto. waliba waxa intaa u dher inuu ardayga iyo macalimiintaba ugu kala eexdo Hayb ahaan iyo Munafaqad iyaga dhex taal. Waxana u markhaati ah in macalimiintii tayada lahayd ee dugsigu ay Hargeisa iyo Meelo kalaba u kala shaqo tageen. walidiinta u timaada wuxuu ka fiiriyaa xaga dookhiisa, isaga oo qaarkood xigtaysta qaarkoodna fogeeya oo diida hadii ardaygoodu khalad yar sameeyo. Tusaale : arday la odhan jiray Xirsi c/salan muuse ayaa 2005, ay isu dhaceen … barigaa wuu diiday inuu xataa Bedel siiyo .. nasiib wanaagse ardaygii aakhirkii wuxuu Jaamacad ka galay Hargeysa oo uu dhamaystay Kuuliyada Dhaqaalaha ( Economics ee Jamacada Admas ) …. taa bedekeeda adray a yidhaa C/raxmaan Sitiin oo beel ahaan ay isu dhawaayeen ayaa 2014 oo form four ahaa ayaa maalin cad ardaydii oo arkay la dagaalamay oo feedh iyo harati dhalin yarnimo u dhamays tiray oo inta uu dhulka dhigay aayar iskuulka isaga baxay. markii ay odayaashiisii u yimaadeen wuxuu ku yidhi , Imtixaanka form forka ha yimaado, isagoo iska ilaalinaya ceebta ah ardaygii garaacay oo iskuulka jooga. Ardagiina sidii ayuu ku galay Imtixaankii. Hadana wuxuu dhigtaa Jamacada Timacade ee Gabiley. Lama soo koobi karo inta dumar iyo rag ee uu khasaysiiyay xalka caruurtooda qof jeclaysi awgeed. xataa macalimiinta ayuu kula dhaqmaa ficilkaa oo badhkood hadii ay maqnaadaan aanu tabin. Halka kuwa kale xataa hadii ay geeri ku dhacdo uu ku qoro habsan. sacaadatul wasiir intaasi waa tilmaamaha soke 2. Xaga gudoonka wax barashada. Dugsiga sare ee Qalax waxa dhigta arday 1000 ilaa 1200 oo arday u dhaxaysa. waxa laga qaadaa lacag. Lacagtaasi macalimiinta oo u badan dhalin yaro ka baxday dugsigani lama xisaabtami karaa khasnajiga. Sobobtoo ah waxay tix galiyaan isaga oo macalin usoo ahaan jiray iyo maamulka oo ku raagay meesha oo qaarkood waqtigoodii uu maamul ka ahaa lkn aan sirihiisa ogayn. laba bilood oo isu xigta lacag isu mida oo guno ah ma qaataan. Halkaa waxaad ku arkaysaa qolo Kormeer ah iyo marba ninka laga dhigo Ariyooga Gobolka oo lacag usoo doonta. sobob kalena ninkani uma siiyo ee si ay wada shaqayn u yeeshaan ayuu u laaluushaa wax talaabo ah oo ay qaadi karaana ma jirto. lacagtii ay macalimiinta da’yarta u badan ee toyada casriga ah la jaan qaadi kara la siin lahaa wuxuu masruuf uga dhiga rag kamida Kormeerka wasaarada wax barashada Gobolka oo u qaabilsan in ay marba ninkii la keeno soo xero galiyaan. waxaana kaw ka ah ninka la yidhaa Maxamud Ogaadeen ( OG ) oo dhinaca kale saxiibtinimada arintani ay gaadhsiisay in Jamacada Timacade uu macalin ka noqdo maamule ( AWS ) iyo ninka ay hada wada samaysteen Dugsiga sare ee la yidhaa ( CIGAAL ) oo marka horena ahaa dugsi Hoose / Dhexe. Waxa la yidhaa C/wahaab Jaamac ( ORAYDH )waana nin talada maamulaha wax ku leh. oo macalinka aan labadaa dugsi midkood ka shaqay waa Cigaal Primary or Secondry u arkaba Gaal, ama cadaw. 3. Gudida Waalidiinta Waxbarasha ee Gobolka Gabiley. Waxay ku koobantay afar qof. Labada dumara oo siyaasada dhinac kaga jira magacoodana aan u dhawrayo inaan halkan ka shego dumar ahaan oo ay yihiin Hooyooyin. lkn ragau waa laba Oday oo jeebka ugu jira Maamulaha ( AWS ) waa oday la yidhaa Maxamud Muuse iyo Cisman Yuusuf. labadan oday maalinta dan laga leeyahay ee wefdi ka yimaado meel ka baxsan degmada ayaa Cumaamado iyo Khamiisyo degdega loo soo xidhaa. Inta kale ma xidhaan. kaliya waxay difaacaan isga iyo Guruub kiisa, oo dani ka dhaxayso. Xataa igu maqaalo ah in guno ay qaataan sida macalimiinta dawliga ah. Guntii iyo gebogebadii sacaadatul wasiir waxa intaas dheer in sadex sano qiyaastii ka hor la furay Dugsi private ah oo la yidhaa SHAAFICI, Secondry . markii iskuulkaa la furay maamulku wuxuu diidi jiray in ardaygii doona uu bedel siiyo, macalimiintana uu ku baraarujin jiray inay tartan muujiyaan oo laabka Qalax oo aad u qalaysan Awgeed arday loo furi jiray si tijaabooyinka ( practical ) ka ugu sameeyaan. Taasi dedaal kamay ahayn ee waxay muujinaysaa inay ahad xaasidnimo uu uga dan lahaa in isaga iyo saaxiibkii qorshaha ugu jirtay inay dugsi sare furtaan. waanay cadaatay hada oo way bilaabeenba, waliba wuxuu maamulku kaabis uga dhigay ardaydii Haldoorka ahayd ee fasalada labaad gashay imika qiyaastii ilaa sideetan arday habenkii uu bedeka ugu soo sameeyo gurigiisa. xarakaadkii laborotarigana uu joojiyay. Ilayn wuxuu diidaya in dugsigiisu tartan la galo dugsi dawli ah. Sacaadatul wasiir ma cid kale oo meeshan maamusha ayaa loo waayay mise waa Geel ninkii ilaali la yidhi dhacayo ninkii lahaana ku daawanayo ninka dhacaya. hadii aan si degdeg ah looga gaadhin arintan waxa hubaal ah in qalabka laabka yaalana habeen madaw loo soo wareejin doono dugsiga isaga iyo saaxiibkii wada samaysteen wa bilaahi tawfiiq. Dr. Xasan Maxamuud Sheikh C/lahi Hargeisa Somaliland.