NEEFKAYGA ADHIGA AHI WAA QAALI EE MADAXWEYNE HA QIIMO TIRIN ADIGU!!! W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer yare) Hordhac: Nabad idil

Hordhac: Nabad idil ahaantiinba akhristayaal,
waxaan u mahadcelinayaa ALLAH SW, sharaf iyo
karaamo dhamaanteedna waxaa iska leh
MUXAMED NNKH,Illahay xaqa iyo dariiqa toosan ha
ina waafajiyo dhamaanteen “Maqaal(Article) kasta
oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada
dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun
buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha
mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”.
Intaas ka dib:
Sida aan ka war qabno waxaa hadda lugu jiraa wakhtigii (moosimkii) aynu dibadda
gaar ahaan waddanka Sucuudiga u dhoofin jirnay xoolaha nool oo ah dhaqaalaha
keli ah ee lugu kalsoonyahay hadda in dalka laga heli karo, sababta bilahan kor u
qaadda dalabka xoolaheena nool ee dalka Sucuudiga ayaa ah gudajada Xajka oo
sanad kasta malayiin xujaaj ahi iskugu yimadaan guriga barakaysan.
Markii hore: Waxay ahayd wakhti ku beegan 2007, xili Madaxweynihii hore ee
Somaliland Daahir riyaale kaahin uu u xidhay xoolaha nool ee dalka laga
dhoofinaayo nin ganacasade u dhashay dalka Sucuudiga oo Al-jaabiri la yidhaah in
uu keligii dhoofiyo xoolaha dalka dibadiisa loo dhoofinaayo gaar ahaan Sucuudiga
iyo waddamada carabta, ha yeeshee caqabado iyo cabashooyin ay bulshada xoolo
dhaqatada ahi ka gudbiyeen ayuu madaxweyne Daahir riyaale saaray cadaadis Al-
jaabiri, in uu kordhiyo lacagta uu ku iibsanayo xoolaha nool ee dalka uu ka
dhoofinaayo, taas oo ay soo dhaweyeen bulshadii reer miyga ahayd ee xoolo
dhaqatada ahayd, isla wakhtigaasna waxaa waddanka ka baxay tiro badan oo
xoolo ah
Hadda maxaa is bedelay: Wakhtigan hadda la joogo oo xukunka dalka uu hayo
Madaxweyne Axmed siilaanyo, maxaa iska bedelay dhoofkii xoolaha nool?, Maxaa
iska bedelay Al-jaabiri iyo nidaamkii saxda ahaa ee Madaxweyne Daahir riyaale u
dejiyey? Waa side niyadda xoolo dhaqatadda miyga joogta ee ku dhibaataysan
dhiqida xoolahan nool?.
Wakhtigan hadda la joogo oo ah ugu yaraan 8 sano ka dib wakhtigii dawladii hore
sharciyo iyo nidaamyo u kala samaysay xoolo dhaqatada iyo ganacsatada dhoofisa
xoola gaar ahaan Al-jaabiri, ayaanay maanta jirin taasi, ninkan carbeed wuxuu
kasoo iibsadaa xoolaha nool dalka Itoobiya, wuxuu dhaafaa guud ahaan geyiga
bulshada xoolo dhaqatada ah ee reer Somaliland degaan, wuxuu soo iibsadaa xool
uu soo siistay qiimo jaban, ogow sababta qiimaha jaban looga siinayaa waa dalka
uu kasoo iibsanaayo oo aan lahayn Dekad iyo Bad ay ka dhoofiyaan, sidoo kale
wuxuu meesha ka saaray bulshadii reer Somaliland ee qaban jirtay adeegyada
xoolaha lugusoo gaadhsiinaayo Dekadda Berbera oo wuxuu iska yeeshay Baabuur
iyo gaadiid isaga u gaar ah, Al-jaabiri wuxuu neefka xoolaha ah gaar ahaa Adhiga
siisan jiray wakhtigii Madaxweyne Riyaale lacag u dhigantan $35, kala hadda uu
siisto lacag u dhiganta $ 20, taas oo niyad jab ku riday dadkii u soo rafaaday
dhiqida xoolahan nool.
Miyeyna ceeb iyo anshax xumo ku ahayn dawlad iyo dal dhisan in nin ganacsade
ahi u jaro qiimaha uu ka siisanaayo shayga dhaqaalaha ah ee ugu weyn ee ay
leeyihiin oo ah xoolaha nool?, Madaxweyne ma ogtahay in ganacsiga xoolaha
nooli uu sanadba sanadka ka dambeeya meesha kasii baxayo? Se ma ogtahay in
bulshadii dhiqi jirtay xoolaha ee dhaqaalaha iyo wakhtiga gelin jirtay waliba xiliyo
badan oo rafaad iyo jiilaal ah lasoo mari jirtay ay maanta meesha ka baxeen oo ay
soo galeen magaalooyinka, kadib niyad jab markii ay kala kulmeen
ganacsadayaasha shisheeyey ee u jaray qiimaha aan maanta ogynahayn gadbada
bariiska ah in aanay u goynahayn.
Tallo-celin: Madaxweyne si xoolaheenu wax inoogu noqodaa, xoolo
dhaqatadeenuna aanay ugu dhicin baahi iyo diihaal ay ka qaadaan dhaqida
xoolaha, ninka carbeed iyo ganacsadada xoolaha dhoofiyaana aanay u qaadan xaq
aanay lahayn, waxaa kula gudboon in aad go’aan macquul ah ka gaadhid habkan
ay hadda wax u socodaan, madaxweyne ka dhig in xoolaha nool oo ah dhaqaalaha
dalka ay dhoofiyaan gacnasato dalka ah, waxaan ka wadaa ha noqodo ganacsi xor
ah oo cid kasta oo muwadin ahi dhoofin karto hadii aanay jirin shirkad dawladu
leedahay oo wajibaadkan gudata.
Mr-Hamse Bashe (Wiyeer yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com
www.facebook.com/Wiyeer
Hargeysa