Qarax Weyn Oo Goordhawayd  Ka Dhacay Huteelka SYL Ee Bartamaha Muqdisho

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana isticmaala dowladda. Ma aha markii u horaysay ee hotelka la weeraro.

Warfaafinta gudaha ayaa sheegaysa in lagu qaban rabay hotelka shir looga hadlayo ammaanka. Dhowr wariye ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen.

Ururka Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarka.