Sharkada DP World Waa Fursad Aan Laga War-qabin (W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

DP World waa sharkad ganacsi oo laga leeyahay
dalka Imaraadka Carabta, waana mid ka mid ah
sharkaddaha ganacsiga ee ugu waaweyn
caalamka , sharkadan oo inta badan shaqadeedu
tahay daabulka alaabta, maalgashiga dekedaha
iyo horumarka magaalooyinka, ayaa waxay ka
shaqaysaa kudhawaad 70 dekadood oo ku kala
yaal daafaha dunida, sidoo kale sharkadan ayaa
dhawaan qorshaheeda balaadhineed ku darsatay
in ay dhisto ugu yaraan 10 dekedood oo geeska
afrika ay kaga jirto dekeda Berbera Somaliland.
Dekeda berbera ayaa xiligan ka mid ah dekedaha ugu mashquulka badan
ee ka jira geyiga ay somalidu degto, taas oo u sababtay in Berbera hesho
fursado badan oo maal-gashi taas oo ay ugu dambeyso Dp World oo
09/05/2016 iyadda iyo xubno wefti culus ah oo ka socoday Xukumadda
Somaliland ay heshiis ku kala saxeexdeen Dubia, Heshiiskan oo inta
badan gudaha Somaliland ka dhex abuuray khilaaf iyo buuq ilaa hadda
aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo, ayaa inta badan shacbiga Berbera ku
nooli u sababaynayaan in xukumada Somaliland aanay si cad u sheegin
heshiiska dekeda berbera ee DP World kala dhexeeya.
Suldaan Axmed binu Suleyman madaxa sharkada DP World ayaa xili uu
ka hadlaayey dekeda Berbera wuxuu yidhi “Afrika sideedaba si fiican
loogama wada shaqayn wakhtigan la joogo, khayraadka badan ee
afrika ku qarsoon waxaa ka mid ah dekeda Berbera, Berbera waxay
nasoo jiidatey koritaankeedu marka loo eego koritaanka dhaqaale ee
ay gaadhayso Itoobiya, oo ka adeegata dekeda berbera wakhtigan”.
Madaxa DP World isga oo hadalka sii wata wuxuu ku daray “ Berbera
waxaan bookhday dhawar todobaad ka hore, waxay igu noqotay
layaab markii aan arkay wixii aan ka aaminsanaa iyo wixii aan
arkay, berbera waa deked weyn oo furasado balaadhineed heshay,
berbera waxay haysataa ilaa 4 milyan oo shacab ah marka lugu daro
Hadaba marka la eego wajiyada ay ku qaabileen in badan oo
daneystayaal xisbiyada mucaaradka ku jira ayaa keentay in ay fikrado
malo-awaal ah ka dhaadhiciyaan bulshada ra’iyidka ah ee Berbera ku
nool, kuwaas oo aanay dhaafsiisnayn markii hore waxa dekeda kasoo
gaadhaa in uu cid gaar ah ku koobnaado.
Maanta oo ahayd maalintii ay Somaliland horumarkii ay hiigsan jirtay ku
talaabsan lahayd, ayaa u muuqata mid siyaasiinta caloshooda u
shaqaystayaasha ahi, u adeegsadaan Xukumadda iyo Sharkada DP World
shacab iyaguna ah danaystayaal, kuwaas oo khalkhal iyo shaki geliyey
heshiiskii dekeda berbera ee sida farshaxanimada leh loo kala saxeexday.
Hadii Somaliland ay lumiso fursadan dahabiga ah, waxay noqon doontaa
abid fursadii ugu qaalisanayd ee soo marta Somaliland, mana noqon
doonto Somaliland dhul lugusoo hirto, sidoo kale waxaa ka istaagi doona
ganacsiga faro ku tiriska ah ee hadda ka jira dekeda berbera.
Hamse Bashe (Wiyeer-Yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com