Shirkada Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Dhismaha Jaamacada Edna Adan

Hargeysa – (GNN) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa deeq lacageed oo dhan
$32,350 ugu deeqday Jaamacadda Edna Adan ee magaaladda Hargeysa
, xafladan oo ka qabsoontay9 xarunta cusbitaalka Adna Adan.
Munaasibadda lagu wareejinaayey deeqdan waxaa ugu horayn ka hadlay maamulaha xidhiidhka
dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu si miisaan leh u sharaxay
horumarka ay dalka ku soo kordhisay Drs. Adna Aadan iyo sida shirkadda TELESOM u garab taagan tahay
dadaalka Marwo Adna Aadan, waxaanu yidhi, “Horumarka badan ee ay samaysay marwo Adna Aadan,
runtii waa mid qarankan iyo dalkan qiimo badan ku leh. Shirkaddu waxay aragtay horumarka badan ee
ay samaysay iyadoo ku dadaashay saddexdii ilaa afartii sanno ee u dambeeyey inay ku soo kordhisay
xagga aqoonta Jaamacad”.5
Muddane Darbo oo ka hadlay lacagta ay shirkadda TELESOM ugu deeqday Jaamacadda Edna Adan
University ayaa yidhi, “Dhismaha Jaamacaddan oo muddo socday, shirkaddu waxay ugu talo-gashay inay
ku wareejiso lacag dhan laba iyo sodon kun saddex boqol iyo konton dollar ($32,350)”.
Marwo Adna aad ayaa shirkadda TELESOM uga mahadnaqday deeqdan ay shirkaddu ugu deeqday
dhismaha Jaamacadda Edna Adan waxaanay tidhi, “Waxaa farxad weyn iyo sharaf weynba ii ah inaan ka
gudoono anigoo ku hadlaya maamulka cisbitaalka iyo Jaamacadda Edna Aadan, anoo ku hadlaaya
magaca ardayda, anoo ku hadlaya magaca macalimiinta, anigoo ku hadlay magaca ardayda
waalidiintooda Jaamacadda wax loogu dhigi doono iyo kuwa imikaba loogu dhigo iyo kuwa cisbitaalka
wax loogu qabtaba, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa marka hore Ilaahay SW suurto-galiyey,
marka labaad waxaan mahad weyn oo balaadhan u celinayaa shirkadda TELESOM oo noogu deeqday
deeqdan qaaliga ah oo naga dabooli doonto wixii marmar ah”.3
Dr. Adna Aadan oo dadaal weyn ugu jirta horumarinta bulshadda ayaa sheegtay in Jaamacaddan ay
aasaatay aanay ahay wax shaqsi leeyahay ee ay tahay Jaamacadda ummaddu leedahay waxaanay tidhi,
“Jaamacaddan waxaa loogu talo-galay ummadda rabta inay waxbarato”
Ugu dambayn waxaa munaasibadda shirkadda Telesom lacagta ku wareejinaysay maamulka Jaamacadda
Adna Aadan ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda dhismaheedu socdo, oo ku hadlayaayey afka
Jaamacadda iyo ka ardaydaba, Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) waxaanu yidhi, “Mar labaad
waxaan u mahadnaqayaa dhamaan hogaanka shirkadda Telesom, shaqaalaheeda, saamilaydeeda iyo
dhamaan cidkasta oo shirkadaasi ku shuqul lehba sida ay horumarkaa iyo wanaagaa dalka uga qayb-
qaadanayaan, aad baad u mahadsan tihiin.”
Gudoomiye Jaamacadda Adna Adam, Mu’adinka ayaa intaasi ku daray, “Anigoo ku hadlay afka
Jaamacadda Adna Aadan waan idiin mahadnaqaynaa baahidaa aad naga daboosheen. Runtiina aanu aad
ugu baahnayn si ardaydii ugu degdegto si ay galaasyaddoodii dhakhso u galaan intaanu sanadku
dhamaanin”.
Shirkadda TELESOM ayaa goorkasta si weyn uga qayb qaadata horumarinta adeegyadda bulshadda laga
maarmaanka u ah sida waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka iyo gurmadka degdega ah ee ay
bulshadda lagu taakulaynaayo, waxaanay shirkadda TELESOM markastaba ka qaadataa kaalinta koobaad