Ujeedada ay masuuliyiintani ugu baxeen dalka imaaraadka ah ayaa ah sidii ay qalinka ugu soo duugi lahayeen heshiiska dekeda berbera oo ay dhawaan golaha wakiiladu cod gacan taaga ku ansixiyeen,saxeexan ayaa noqon doona sida naloo sheegay kii ugu danbeeyey ee ay kala saxeexdaan dawlada Somaliland iyo shirkada DP World.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna wakhti xaadirkan ku sugan dalka masar ayaa waftigan wasiirada ah kaga daba tagi doona magaalada dubai isagoona xubin ka ahaa gudidii madaxwaynuhu u xil saaray heshiiska Ddkeda Berbera.
Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in sidoo kale waftigan uu isna ka daba tagi doono madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” kaasi oo isna qayb ka noqonay heshiiska kama danbaysta ah ee ay kala saxeexayaan xukuumadda Somaliland iyo shirkadda Dp World.