Wefti uu Hogaaminaya Gudoomiye Xisbiga Wadani Md Ciro oo Gaadhay Sool SAWIRRO.

Waftiga oo xalay u hoydey magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar ayaa waxaa ay saaka safar kaga soo kicitimeen magaaldaasi waxaana ay soo dhaweyn diiran kala kulmeen deegnada hoos yimaada degmada Laascanood oo ay ka mid yahiin Guumeys , Yigoori , Samo Kaab , Oog , Adhicadeeye iyo tuulooyin kale .
Gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaminaayey intasi ka dib waxaaa ay u soo gudbeen magaalada Laascanood ee xarunta gobalka Sool waxaaana gudoomiyaha kaga hor yimid duleedka magaaladaasi kumanan kun oo tageeraasha xisbiga Waddani ah kuwaas oo ruxaayey calanka astaanta gaar u ah xisbiga waxaana ay gudoomiyaha u soo galbiyey dhinaca magaalada Laascanood
Cabdiraxmaan Ciro Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa waxaa lagu soo dhex wareejiyey sharicyada waa weyn ee magaladaasi kuwaas oo uu gudoomiyuhu salameyey dadka rer Laascanood oo salan la taagna dhinacyada jidadka magaaladaasi
Ugu danbeyn gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga Waddani ka furtey magaalada Laascaanood waxaaana la filaya in uu caawa gudoomiyuhu u hoydo magaalada Laascanood isla markaana uu bari ka qeyb galayo xaflada furtitaanka diwaangalinta gobalka Sool.