BAAQ:BEELAHA CIISE GUDDO IYO DIBADBA OO COD DHEER KU SHEEGAY IN AY TAAGEERSANYIHIIN DIIWAAN GALINTA LIXDA GOOBOOD EE DEEGAANKA LUGHAYA.

Magalaada Lughaya iyo Deegaanka ka agdhawi waxa ay ka Tirsanyihiin oo ay Hoos yimaadaan Magaalada Zaylac ee Gobolka Selel,Wakhtigii Ingiriiskiina waxa ay hoos tagi Jireen oo ay ka tirsanayd Magaalada Gabiley.
Haddaanu nahay Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Ciise waxa aanu kasoo horjeednaa odayaasha Madaxdhaqameedka ah ee Maalin walba Hadalada Naxliga ah ee Ummadda kala Fogaynaya Warbaahinta lasoo taagan ee Milgihii sharaftii Madaxdhaqameedka Meel kaga dhacay ee Reer Borame.
Wax iskaga kaayo Xidhan iyo Dhulmaanta naga dhexeeyaa Majiro,Deegaanka Lughayana maaha mid ay shaqo ku leeyihiin ama ay ka arimin karaan,kuna Xisaabtami karaan maaha,Deegaanka Lughaya Maanta Dadkiisii ayaa u kacay oo Maanta soo jeedda waxna laga waydiinayaa.
Anaga Cidda Deegaankayaga halista ku ah horena Doorashadii golaha Deegaanka u Boobtay ee kusoo Duushay waa Dadka Boorama nagaga yimi,Maantana isu diyaarinaya dhulboob hor leh.
waxa aanu halkan Digniin u marinaynaa labada Xilibaan ee Golaha Wakiiladda Somaliland ugu jira Beelaha Ciise ee sida aan ka fiirsashada lahayn ugu milmay,dadka iyagu dhulboobka Caanka ku ah ee Reer Boorama,waxa aanu leenahay isdaba qabta inta aan Beeshu idinka tashan.
Ugu danbayntii waxa aanu Xukuumadda Somaliland ku taageersanahay oo aanu soo dhawaynaa Diiwaan galinta Doorashooyinka ee laga Qabanayo Lixda goobood ee ka tirsan Deegaanka Lughaya.
Guddida Horumarinta Beelaha Ciise.