Boqorka Rasul Khayma oo Kulan Balaadhan La yeeshay Weftigii Somaliland

Raysal Khayma (GNN)- Boqorka xukuma Raysal Khayma ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saud Bin Saqr Al Qaasim, ayaa shalay marti-qaad rasmi ah u fidiyay, lana kulmay Weftigii Jamhuuriyadda Somaliland dalkaasi u jooga meel-marinta heshiiskii taariikhiga ah horumarinta dekadda Berbera.

Weftiga Somaliland ee la kulmay boqorka Rasul Khayma ayaa ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shiri, Qorshaynta Qaranka Cali Salaan Jirde, madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, Maareeyaha Dekadda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar

.capture

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooaydda Somaliland, Kulankaas oo daaranaa dardar-gelinta iyo dhiirigelinta hawlaha maalgashi ee ka socda dalka Somaliland, iyadoo uu boqorku ka mid yahay dadka sida gaarka ah ugu xidhan Somaliland, kuna dhiiraday inuu maalgashi ka sameeyo gudaha Somaliland, hadday noqoto shirkadda sahaminta shidaalka ee RASGAS, kuna sugan Somaliland, arrimaha dhoofka xoolaha oo uu sheekhu ka mid yahay masuuliyiinta maxjarka Al-jaabiri ee xaruntiisu tahay Berbera, iyo isagoo sheekhu marwalba la barbar taagan taakulo iyo dedaal dheeriya jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan halkaasi.

Arrimahaas oo ay weftigu uga mahadnaqeen ka dib waxa ay weftiga Somaliland uga warameen arrimaha la xidhiidha heshiiskii DP World ee ay ku maalgelinayso dekadda Berbera iyagoo u soo jeediyey una taabtay in ay shirkadaha Raysal Khayma ay u furayso inay dhankooda ka qeyb qaataan haddii ay tahay kuwa bangiyada, macdanta, arrimaha caafimaadka, iyo waxbarashada ee degan Raysal Khayma ay yimaadaan Somaliland oo ay maalgashadaan dalka.

Ugu dambayntii weftiga Somaliland waxay uga mahadceliyeen sheekha sida uu u barbar taagan yahay arrimaha maalgashiga ee ka socda Somaliland, waxaanay sheekha ku hambalyeeyeen kuna dhiirigeliyeen inuu halkaa ka sii wado hawlaha, isla markaana uu fursado siiyo ardayda ka qalinjebisa Jaamacadaha Somaliland, siiyana fursado ay ugu shaqo tagaan Raysal Khayma iyo inay sii wataan aqoontooda waxbarasho intii u baahan, kulankaasi oo ahaa mid ku soo dhammaaday is fahan iyo guul labada dhinacba ay isla garteen arrimahaa kala duwan.

 

Log11