Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Ku Daba Jira Shufto Habeen Hore Jabsatay Goob Ay Ka Socoto Diiwangalinta Gobolka Sool Iyo Amaanka Magaalada Oo Aad Loo Adkeeyey

Warar naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan oo iskugu jira booliska iyo militeriga laascaanood ay ku daba jiraan shufto habeen hore saqdii dhexe jabsatay goob ku taala magaalada laascaanood oo ay ka socotay diiwaangaliinta gobolka sool,iyaga oona qaatay qalabkii lagu shaqanayay oo yaalay goobta.

Waxaana ciidamadani sida naloo sheegay ay falkan usoo qabqabtnee tiroba 3 nin oo looga shakiyay inay lug ku lahaayeen falkii lagu jabsaday goobta,iyagana oona sidoo kale ciidamadani ku daba jira ragii falkaasi gaystay.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in aad loo adkeeyey amaanka magaalada iyadana oona suuqyada iyo jidadka waa way n ee magaaladana lagu soo daadiyay ciidamo kala duwan kuwaasi oo heegan ugu jira adkaynta iyo xoojinta nabad galiyada.

Gudida komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa iyagu arinkani ka hadlay wallow aan ilaa hadda la garanayn cidda falka gaysatay iyo sababta ay u gaysatay toona.

Log1