Daawo-Mid Kamid Magafayaashii Dadka Muhaajiriinta Ah Kula Kici Jiray Jidh-Dilka Kufsiga Ilaa Heer Dhimasho, Oo Dhalinyar Somali Ah uu Hore Usoo Dhibay Ku Qabteen Talyaaniga.

Milano(GNN):-Qabashadda ninkaan ayaa waxa ka danbeeyay soomali ku sugan Gudaha Talyaaniga kuwaas oo ka mid ah dadkii uu sida xun ula soo Macaamilay.

Wiilka Soomaliga ah ee la qabtay ayaa horjooge iyo gacan yare u ahaa mid ka mid ah Magafaayasha ugu waaweyn Liibiya oo lagu Magacaabo Khaliifa balse Soomalidu u taqaan Ali Boor iyo Xaaji oo intoodaba ah Somali.

Soomaliga lagu qabtay Talyaaniga ayaa lagu Magacabaa Ismaciil Mahad-alle.

Ninkaan lagu magacaabo Ismail magafe wuxuu haystey xoosh ama xero lagu aruuriyo dadka kadibna laga soo diro, Waxaana lagu magacaaba xeradaan khaliifa 3.

Ismail Mahadalle  (magafe) wuxuu ahaa nin naxariis daran oo aad u arxan daran oo dadka ku qasbi jirey dalbadaan lacago qofkii ay ka soo daahdo ama ehelkiisu lacag waayaan aad ayuu u ciqaabi jirey. Dilka dadka muhaajiriinta ah uu u geysan jirey qaarbaa u dhima jirey sida ey noo

xaqiijiyeen goob joogayaal lafdooda dhibaatooyin culus uu u geystey. Cidna muusan cafi jirin dumarka dil iyo kufsi ayuu isugu dari jirey raggana garaacid sababtey dhinashada dad badan iyo qaar badan oo u Naafoobay.

img-20160929-wa0004

 

Dadka hadda gacanta ku dhigay ee u gudbiyey Booliska magaada Milano italy waxaa ka mid ah dhalinyaro uu dhibaatoyin culus u geystey iyo gabdho uu kufsadey oo xoog uu ku haysa jirey. Waxaana ku jirta Gabar uu muddo xoog ku haystey oo aad u da’yar oo lagu qiyaasi karo 16 ilaa 17 sano jir.

Waxaan la kulaney wiil dhalinyaro ah oo indhihiisa ku arkay 2-nin oo gacantiisa uu ku dilay kadib garaacid xad dhaaf ah nin Labadda  indhood uu ka ridey xerada khaliifa-3 ee ku taala liibiya magaalda beni ulid.

Naxariis darada Magefayaasha ayaa la sheegaa iney tagay mid aan la qiyaasi karin iyo bini ‘aadam ka basharka ah ee muhaajiriinta oo aan wax qiima ah aan ku fadhin haba yaraatee.

img-20160929-wa0001img-20160929-wa0002img-20160929-wa0003img-20160929-wa0004img-20160929-wa0000