Daawo SAWIRADA:- Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Uu Wahelinayo Oo Saaka Ka Qayb Galay Qalin-jebinta Ardayda Sanadka Ee Jaamacadda Hargeysa

Hargeisa(GNN):-

Daawo SAWIRADA:- Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Uu Wahelinayo Oo Saaka Ka Qayb Galay Qalin-jebinta Ardayda Sanadka Ee Jaamacadda HargeysaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) iyo guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay qalin-jebinta dufcaddii 13-Aad ee ka baxda Jaamacadda Hargeysa oo maanta lagu qabtay hoolka xarunta jaamacadda.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi oo madasha qalin-jebinta kelmado kooban ka jeediyey, ayaa hambalyeeyay ardayda Qalin-jabisay isagoo sidoo kalenna ugu mahadnaqay maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Hargeysa iyo waalidiintii lasoo dedaalay 862 arday ee maanta ka qalin jabisay jamacada Hargeysa.