Daawo-Shirkada Telesom oo Soo Gabogabaysay Carwadii Ay Kusoo Bandhigaysay 4++ Abaal Marino Kala Duwana Gudoonsiiyey Dadkii ku Guuleystay.

Hargeisa(GNN):– Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa xalay soo gunaanaday Carwo oo Saddex maalmood ka socotay huteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, waxaanay shirkaddu abaal-marino iskugu jirtay gaadhi, smartphone-no ku shaqaynaya 4G++ iyo hadyaddo kale gudoonsiisay macmiil boqol iyo shan qof ah oo ka soo qayb-galay carwadda.

Xafladdii xidhitaanka Carwadda Daahfurka Adeegyadda Shirkadda waxaa ka soo qayb-galay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha Faysal Cali Sheekh, Marwo Dr. Adna Aadan, xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cali, madax-dhaqameed, culimo-awdiin, masuuliyiinta shirkadaha Telesom Group iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh oo khudbad kooban ka jeediyey xafladiixidhitaanka Carwadda Daahfurka Adeegga 4G++ ee shirkadda Telesom ayaa ugu horayn shirkadda Telesom ku amaanay horumarka ay ku talaabsaday, waxaanu sheegay in muddadii ay shirkadda TELESOM jirtay horukac mooyee aan amarnaba hoos u dhacku iman, horumar weyna ay ka samaysay dhinaca Isgaadhsiinta.

Agaasimaha ayaa shirkadda Telesom ku amaanay inay tahay cashuurbixiyayaasha ugu waaweyn ee dawladda.

Maamule ku-xigeenka Hawl-galiyaha shirkadda Faarax Sugaal Guure ayaa sheegay in shirkaddaTelesom adeegga ay bulshadeeda u soo bandhigayso ay markastaba ku dadaasho inay bulshadda u keento wax faa’iido u leh. Waxaanu sheegay internet-ku uu leeyahay dhib iyo dheefba. Waxaanu sheegay in shirkaddaTelesom ay lacag badan iyo dadaal badan ku bixisay sidii ay bulshadda uga shaan-dhayn lahayd waxyaalaha dhaxan-xumadda ah ee bulshadda baabiiya ee kujira internet-ka.

Marwo Dr. Adna Aadan ayaa ka hadashay faa’iidada uu leeyahay qalabka Mifi-ga ee shirkadda Telesom ku soo bandhigtay carwadda waxaanay sheegay in maalin ay imtaxaan qaadayeen oo uu internet-kii ka xumaaday ay shaqooyinkii u yaalay oo dhan ku qabsadeen Mifi oo dhawr maalmood ka hor ay shirkadda ka qaadatay.

Shirkadda TELESOM ayaa carwaddan daahfurka adeegga 4G++ waxay abaal-marino gudoonsiisay 105 qof oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-qaatay barnaamijkii tijaabi nasiib-kaaga. Barnaamijkan oo ay shirkaddu ku gaaryeeshay dadkii carwadda soo booqday.

Marwo Adna aadan ayaa gudoonsiisay mid ka mid macmiisha shirkadda Telesom ee ka soo qayb-galay xafladda xidhitaanka Carwadda oo magaciisa la yidhaah Xamse Maxamud Furre oo siday lambarka o634824882 ayaa ku guulaystya Gaadhi nooca raaxadda loogu talay ee Tayota Mark X,  waxaana isla goobta lagu gudoonsiiyey ninkaa dhaliyaro ah ee ku guulaystay Gaadhiga. Xamse ayaa shirkadda Telesom ugu mahadnaqay gaadhiga ay ku abaal-marisay isagoo ka soo dhex baxay dadkii faraha badnaa ee ka soo qayb-galay abaal-marinta carwadda.