Daawo:Saxaafada Caalamka oo Si Weyn Uga Faalootay Maal Galinta DP World Ku Samaynaayo Dekeda Berbera

Dubai (GNN)- Wakaaladaha wararka iyo qaar ka mida hay’adaha warbaaahinta dunidda. ayaa si weyn wax uga qoray heshiiska horumarinta Dekeadda Berbera ee dhex maray xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World. Heshiiskan oo Isniintii lagu kala saxeexday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa dhigayey in shirkadda DP World ay ku maal-galinayso $442 milyan oo doolar marsadda Berbera muddo sodon sannadood ah.

Warka la xidhiidha heshiiska maalgalinta Dekedda Berbera, ayaa aad u soo jiitay wakaaladaha wararka dunidda oo si mug leh u sharaxay muhiimadiisa.Wakaalada Wararka ee AP, AFP, Reuters, iyo hay’ada warbaahinta ee Fox News, Daily Mail iyo Gulfnews ayaa baahiyey warka heshiiskaasi, iyagoo diirada saaray baaxda maalgashi iyo fursadaha horumarineed ee uu u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo heshiiskan waxa ka qoray wargeyska arimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha wax ka qora ee Wall Street Journal, oo warbixin uu baahiyey ku sheegay sidan “Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa isniintii shaacisay inay ku guulaysatay inay horumariso maamushana Dekada Berbera ee Somaliland, taas oo ka mid noqonaysa 75 dakadood oo kale oo ay maamulaan.”

Geesta kalena, warbixin uu daabacay wargeyska Dailymail ee ka soo baxa dalka Ingriiska oo uu ka soo xigtay Wakaalada wararka Maraykanka ee Associated Press (AP) ayaa lagu sheegay sidan “Bebera waxay ka qeyb qaadan doontaa fiditaanka aanu ku fididayno suuqa kobcaya ee Afrika sannadaha soo socda.” Sida uu sheegay gudoomiyaha shirkada DP World Suldaan Axmed Binu Sulaymaan. Wakaaalada AP ayaa sidoo kalena warbixinteeda ku sheegtay sidan “Somaliland waxa ay fursad u soo bandhigaysaa jaarkeeda Itoobiya ee aan badda lahayn ee leh suuqa kobcaya ee 96 milyan ee ruux ah.” Sidoo kalena AP ayaa xustay in dhismaha dekadda Berbera uu fursad u yahay dekadda Jabuuti oo uu culays iyo cidhiidhiga saarani ka kala yaraan doono.

Sidoo kalena Wakaalada wararka Faransiisaka ee AFP ayaa warbixin ay heshiiskan ka qortay ku sheegtay in heshiiskani uu fursad dhaqaale iyo horumarineed u yahay Somaliland waxaanay warbixinteeda ku tidhi “Mashruucan wuxuu fursad horumanineed uu siinayaa Somaliland, oo aqoonsi caalami ah aan ka helin beesha caalamka taas oo jirtay 25 sanno oo madax banaani jiritaan ku dhisan (De facto independence) oo ay xoriyadeedii kala soo noqotay dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen.”

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa warbixin ay hesiiska ka qortay ciwaan uga dhigtay “Dekeda ku taalla badda cas ee Bebera ayaa waxa ay diirada saari doontaa Koontiidharada iyo alaabaha Kaargooga ah, dekada-na sidaa loo horumarin doono.”

Port Strategy, ayaa iyaduna baahisay warka hesiishkan iyadoo soo xigatay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo yidhi “ Somaliland way ku faraxsan tahay inay heshiiskan ku midoobaan DP World.”ayuu yidhi Wasiir Sacad waxaanu intaasi ku daray “Dekadda Berbera ee DP World waxay fursad gaar ah siin doontaa dadka wax ka dhoofiya iyo kuwa kala soo daga barriga Afrika.” Warka heshiiskan ayaa waxa sidoo kalena wax ka qoray saxaafadda danaysa arrimaha ganacsiga iyo xeebaha sida, JOC.com, Construction Week Online, Container Management, Port Strategy , The Maritime Executive iyo Splash 247.