“Dedaalka Xukuumada Somaliland Ee Adkanynta Amnigu Waxa Ay Suurtogal Ka Dhigtay In…..” WASIIR KAYSAR

 Hargaysa(GNN)-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Amb.Kaysar Maxamed Cabdilaahi,ayaa si faah-faahsan uga sheekeeyay xidhiidhka danno-is-dhaafsigga ku dhisan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dunidda Caalamka.

Wasiir Kaysar,waxa uu sheegay inay Somaliland tahay Dal qiimeeya xidhiidhka Saaxiib-tinimo iyo wada-shaqayneed ee Dalalka Geeska iyo Dunidda kaleba,taas oo keentay inay Somaliland noqoto Goob Xasiloon oo ku dhex-taalla Mandaq Holcaysay oo ay hadheeyeen dagaallo,Kooxo Budcad-badeed ah iyo Ururadda Aragagaxisadda ah.
Amb.Kaysar,ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu saaka ku baahiyay Bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,waxaana uu u dhignaa isaga oo dhemaystiran sida tan;
“Xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland ay la Leedahay Dunidu waa Mid ku Salaysan Is-tixgelin, Nabad ku wada Noolaansho, Iyo ka wada shaqaynta Masaaliixda Iyo Danaha Shucuubta si Talal-taalli ah oo Cadaalad ku dhisan, Jamhuuriyada Somaliland waxay Dunida Iyo Gaar ahaan Geeska Afrika ay ugu Fadhidaa Qiimo Weyn,Waxaanay Kaalin Muhiim ah ka Qaadatay Xasiloonida Iyo Degenaanshaha Geeska Afrika. Jamhuuriyada Somaliland Iyo Shacbigeedu waxay Xayndaab Culius u yihiin Wadamada Geeska Afrika iyaga oo ku Guulaystay in ay Sugaan Xuduudahooda Dhuleed, Badeed Iyo Cireed taasoo wax Weyn ka tartay Nabada Iyo Degenaanshaha Mandaqada. Waxaanay Dawlada Somaliland Habeen Iyo Maalinba ku Hawlan Tahay sidii Jamhuuriyada Somaliland ay Xidhiidh Saaxiibtinimo ula yeellan lahayd Dunida. Dedaalka Xukuumada Somaliland ee Adkanynta Amnigu waxa ay suurtogal ka dhigtay in Jamhuuriyada Somaliland ay noqoto mid ka Nadiif ah Argagixisada, Budhcad Badeedka Iyo Sharwadayaasha. Kuwaasoo haddii aan laga hortagin usii gudbi lahaa Wadamada Deriska ah ee maanta Nabada ku Naaloonaya”.
Amb.Kaysar Maxamed Cabdilhaai,Wasiir Ku-xiggeenka Wasaaradda Qorshaynta Qarranka Somaliland,