DAAWO:Dhamaystirka Heshiiska Dekedda Berbera Ee Shirkada DP World Iyo Xukuumadda Oo Hadda Si Toosa Uga Socda Magaalada Dubai + SAWIRO.

Waxaana xafladani sida la sheegay ay hadda ka socotaa xafiiska guud ee shirkadda DP World ku leedahay magaalada Dubai iyada oonay halkaasi ay wada fadhiyaan masuuliyiinta shirkada Dp World iyo wasiiro ka socda xukuumadda Somaliland oo mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa dalkaaasi.Wararka halkaasi naga soo gaadhaya soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in heshiiska oo haatan la isku hor fadhiyo dhamaystirkiisa ay masuuliyiinta shirkadu kasoo horeysiiyay dhamaystirka heshiiska shuruudo ay wadato oo aan naloo faahfaahin waxay yihiin.Heshiiskan DP World ayaa muran badan dhaliyay iyada oo warbaahintuna ay maalmihii u danbeeyeyba baahinaysay warar hor dhac ah oo sheegaya in laysku khilaafsan yahay dhamaystirka heshiiska dekeda berbera.Heshiiska dekeda berbera ee ay kala saxeexanayaan dawlada Somaliland iyo shirkada DP World ayaa la filayaa in maanta si rasmi ay qalinka ugu duugto Somaliland wareejinta dekeda hadii laysku afgarto.Halkan ka daawo Muuqaaal kooban oo heshiiska dekeda berbera aan ka helnay Ayaan idiin soo gudbinaynaa Daawasho Haboon

FB_IMG_1473080840503IMG-20160905-WA0011FB_IMG_147308084050320160905_13462320160905_135222

 

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka Gabiley.Net