Fadliga 10 Cisho Ee U Horeeya Bisha Dil Xija Qalinki: Abdirahman Yaasir

Illaahay baa mahad iska leh . allaaahaas oo ka yeelay samawaadaka iyo inta ku dhex abuuran adoomaha uu isagu abuuray kana yeelay carshiga  xarun ay mala’iktu dawaafto , sidoo kale ka yeelay dhulka iyo inta ku dhex noolba adoomihisa uu abuuray , ugana yeelay kabcada halak ay adoomihisu dawafaaan , nabad iyo naxariis nabi MUHAMED   ha ka yeele . sidoo kle asxabtisi iyo intii isaga racday jidkisa toosan

Kadib

Allaah swc waxa uu malmihisa ka yeelaya , maalmo uu si gara uga fadli yelay malamaha kale waayo 10 malin ee ugu horeya bisha (Dil  xija) EE malinka bari ah inoo bilaabimi doona .  malamaha kuwooda ugu fadliga badan ugana khayraka badan

Illaaahay baa ku dhaartay oo yidhi ; ( waxaan ku dhaartay waa bariga { dhararta subax arooryad } waxan kaloo ku dhartay  , habenada tobonka ah waxan kaloo ku dhaartay shafciga { malinka tobnaad_gawaraca} , waxan kaloo ku dhaaraty malinka witriga { malinka sagaalad ee carafa}

 

Waana malmaha ay ku kulmaan dhamaan cibadada illaaahay sida soomka, xajka , zakada , salaada . waxana loo yiqanaa maalmaha  hoyada cibaadada . waa laaba lab cibaadad malmaahaas la sameyaa .

 

Waxa kale laga soo wariyey ibnu cabaas in nabigu yidhi calyhi salatu wasalam { ma jiro malmahan malmo ka fadli badan camal ahaan ..markaasay nabiga asxabtisi ku yidhahadeena nabi allow xatal jihaad ?!! markasu nabigu yidhi : xitaa jihaadka dar alle moyee ninkii itnuu malkisa iyo naftisaba ugu hibeyey jihaadkaas oo labadaba ku waya oon waxab kala soo noqon }

 

Malimahas wax ku jira malinta ugu fadliga badan malmaha wana { yaw mul carafaat} , malintas waa la soma inata aan xajku usuro galin , waa malin ducada alle uu aqablo , allena malaa’ikata naxariisat ayuu soo dejiyaa . wana malinta uu shaydaanu ugu cadho badan yahay , shaydaanku laba cisho ayuu ugu cadho badan yahay malinta CARAFA iyo MALINKI BEDER waa labada malimood ee uu alle soo dejiyey malaa’iktisa

 

Malamaha nocaas ah waxa la inag rabaa inaynu ducada badsano , uducaynu inta maytida ah ama quburah ku jirta allena ka dhigo kuwa uu malamahn nartisa ka xoreyo  , sadaqad la bixyo , quraan akhris lagu camiro , la is cafiyo , dhaman camasha wangsan oo dhan aynu samyno

 

 

 

Abdirahman yaasir