Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Arrimaha Doorashooyinka Somaliland Kala hadlay Wefti Maraykan ah

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cal Waraabe, ayaa shalay magaaladda Hargaysa kula kulmay wefti culus oo ka socday dawladda Maraykanka, oo booqsho ku yimid Somaliland.Weftigaasi oo uu hogaaminayay madaxa xafiiska siyaasadda ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,Mr. FRAN GASKIN

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-qoraal ah oo saxaafadda loogu tallo galay oo xisbiga UCID ka soo saaray kulankaasi oo xalay nuqul ka mid ah uu soo gaadhay xafiiska wargeyska DAWAN. Kulankaasi oo qaatay muddo saacad iyo dheeraad ayaa la sheegay in labadda dhinac ay diiradda ku saareen xaaladda guud ee Somaliland gaar ahaana arrimaha siyaasadda ee wakhtigan ka taagan Somaliland iyo sidoo kale arrimaha nabadgelyo iyo siyaasadeed ee mandaqadda geeska Afrika.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu uga xog waramay weftigan Maraykanka ah in guud ahaan xaalada siyaasadeed ee Somaliland ay haatan aad u fiicantay. Waxaanu si gaar ah u tilmaamay in dabayl nabadeed oo wanaagsan ay ka socoto degaamada Bariga Somaliland, isagoo rejo weyn ka muujiyay in dedaaladda nabadeed ee ka socda dhinaca bari ay noqdaan kuwo midho-dhala, isla markaana guul la taaban karo laga gaadho si loo xoojiyo dhismaha iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale waxay labada dhinac si qoto dheer uga wadda hadleen halka ay marayso u diyaar garowga doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan sannadka soo socda.
Guddoomiyaha UCID, waxa uu faah faahin ka siiyay weftiga caqabadaha hor taagaan arrimaha doorashooyinka Somaliland, hase yeeshee wuxuu u caddeeyay in wax badan laga qabtay hawlaha loogu diyaar garoobayo doorashooyinka.
Waxyaabo bada-na ay dhiman yihiin, dhawaanna la kala qaaday labada doorasho ee golaha Wakiiladda iyo madaxtooyadda kadib markii ay soo baxeen murano iyo cabashooyin ku salaysan Saami qaybsiga Kuraasta Wakiilada.Iyadoo ay hore cabasho uga muujiyeen goboladda qaarkood arrinta Saami qeybsigii hore ee ay ku salaysnaayeen Kuraasta Wakiiladu.
Dhinaca kale qoraalkaasi uu xisbiga UCID soo saaray waxa lagu sheegay Eng. Faysal, uu dawlada Maraykanka ka codsaday in ay gacan dhaqaale ka gaysato qabsoomida doorashooyinka Somaliland ee sannadka soo socda.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay dublomaasiyiintan inuu rejo weyn ka qabo in doorashadda madaxwayne-nimada ee la qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo bisha March ee sannadka 2017-ka ay ku qabsoomi doonto wakhtiga loogu tallo galay, maadaama oo ay guul ku dhammaatay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee ka qabsoontay guud ahaanba goboladda dalka.