Gudomiyaha Kulmiye ee Finland Oo Madaxwaynaha Ku Hambalyeyay Go,aanka Uu Ka Gaadhay Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiilada Iyo Wakhtiga Doorashooyinka La Qabanayo

Gabiley(GNN) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Finland Axmed C/laahi Khaliif (Axmed Wali) Ayaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Ku Hambalyeyay Go,aanka Uu Ka Gaadhay Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiilada Iyo Wakhtiga Doorashooyinka La Qabanayo
Taasi Oo Maanta Uu War saxaafadeed Ka Soo Saaray Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo
Dhambaalkasi Oo Uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Finland Axmed C/laahi Khaliif (Axmed Wali) Uu Soo Gaadh Siyay War Qabadka Gabiley.Net Ayaa Waxa Uu U Dhignaa Sidan
Dhamaanba Umada Muslimka ah Waxan Ku Salaamayaa Salaanta Islaamka ASc Salaan Kadib Anigoo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Ka Jaaliyada Reer Finland Ee Aan Gudoomiyaha U Ahayba
Waxan Halkan Ka Hambalyaynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed maxamuud Aadan ( AxmedSiilaanyo) Oo Aan Ku Hambalyaynayo Go,aamada Geesinimada Leh Ee Uu Ka Qaatay Saami Qaybsiga Beelaha Ee Li Taxaluqa Saamiga Kuraasta Wakiilada Iyo Wakhtiga Doorashooyinka La Qabanayo
Iyowaliba Sida Geesinimada Leh Ee Uu U Kala Qaaday Labada Doorasho Ee Wakiilada Iyo Madaxtoyada
Mar Labaad Iyo Mar Sadexaadba Waxanu U Hambalyaynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed maxamuud Aadan ( AxmedSiilaanyo) Oo Aan Leeyay
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Mudane Madaxwayne
Waa Talaabo Haboon Oo Qaranka Mihiimad Balaadhan U Leh Waxana Ku Xusi Taariikhda Waana Mid Aad Ku Dhiiratay Inaad Go,aano Dhaxalgal ah Ka Gaadho Arimahaasi Oo Ay Wax Midho Dhal Ah Ka Gaadhi Waayen Asxaabta Mucaaridka Iyo Golaha Wakiiladu
Waana Mid Markhaati Madoon Ah Inay Madaxwaynaha Ka Go,antahay In Si Cadaalad Ah Loga Wada Muuqdo Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ay
Gobolda Qaarkod Tabayaan Xaqii Iyo Saamigii Ay Ku Lahaayen Kuraasta Golaha Wakiillada
Gabiley.net
Office Gabiley