DAAWO:GUDOOMIYE CIRO OO KA QEYB GALAY XAFLAD SOO DHAWEYN AH OO XISBIGA WADDANI MAGAALADA ARABSIYO UGU SAMEEYEY TAGEERAYAAL KU SOO BIIRAY + SAWIRO.

Arabsiiyo (GNN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu ka qeyb galay xaflad soo dhaweeyn ah oo xisbiga Waddani u sameeyey tageerayaal ku soo biiray xisbigaasi oo ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Arabsiyo .

 

Waftiga gudoomiyaha oo Hargeysa saaka afar kaga baxay ayaa waxaa ay dadweynaha reer Arabsiyo kaga hor yimadeen afaafka hore ee magaalada Abaarso waxaana xaflad soo dhaweynta ah ka dhacdey Magaalada Arabsiyo taas oo loo sameeyey tageerayaal ku soo biiray xisbigaasi ka soo digo rogtey xisbiga Kulmiye waxaana ka soo qeyb galay masuulyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani , Xildhibaano , Cuqaal , Saladiin , Haween iyo Dhalinyaro.

tmp_32502-1-2657972380

Ugu horeyn waxaa madaashi ka hadley gudoomiyaha xisbiga Wadani ee Arabsiyo Mr.Maxamuud iyo xubno ka mid ah dadkii ku soo biiray xisbiga waxaana ay sheegen in xisbiga Waddani u arkeen in u yahay xisbiga maanta dalka bad baadin kara isla markaana hamigooda kaga dhabeyn kara

tmp_32502-2-2-613555032

Sidoo kale waxaa kale oo iyaguna ka hadley masulyiin ka tirsan xisbiga Waddani , xildhibaano , cuqaal iyo haween waxaana ay si diiran ugu soo dhaweeyen tageerayaashan reer Arabsiyo ee maanta ku soo biiray xisbiga Waddani waxaana ay sheegen in aanay magaalana u xidhneen xisbi gaar isla markaana Qabiil aanay cidna dalkan hogaankiisa ku qaban karin

tmp_32502-6-1-254091568

Gabo gabadii waxaa madasha hadalo kooban oo mahadnaq ah madasha ka yidhi gudomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxaana uu reer Arabsiyo uu ugu mahadnaqay go,aanka ay maanta qaateen ee ah in ay ku soo biiran xisbiga Waddani isla markaana waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani oo noqon doono mid cadaalad sameeya bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yahiin

tmp_32502-42-1227345730

tmp_32502-43-773115168

tmp_32502-19-1463413749

tmp_32502-17274170881

tmp_32502-16-1642182449

tmp_32502-15-1414064269

tmp_32502-15-810954974

tmp_32502-14-1369553732

tmp_32502-8-1716624573

tmp_32502-4-1-711850621

tmp_32502-3-1-1194074924

tmp_32502-13_Fotor-540486707tmp_32502-12_Fotor-1615025003

 

tmp_32502-11_Fotor-842018459

 

tmp_32502-91076280674

tmp_32502-7-1936260008

tmp_32502-6-11220394630

tmp_32502-5-1-1888901343