GUDOOMIYE FAYSAL OO QADO SHARAF USAMEEYAY MADAXWAYNE KU-XIGEENKII HORE EE PUNTLAND.

Hargeysa(GNN)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shalay hadhimo sharafeed ku maamuusay Madaxweyne ku Xigeenkii hore ee Puntlnd Mudane Cabdisamad Cali Shire, oo muddooyinkan dambe Hargeysa joogay

Waxaana Hadhimo sharafeedkan ku sugnaa siyaasiyiin miisaan ku leh gobolada bariga Somaliland, oo ay ka mid ahayeen Wasiirkii hore ee shaqada Mudane Cali Sandule, Wasiirkii hore Biyaha Xuseen Axmed Cabdale , General Boodhle, sidoo kale waxaa madashan ku sugnaa madax kale oo uu ka mid aha Generaal Cumar Kirix iyo Masuuliyiin kale . Kulankan ayaa nuxurka qodobadii la isla soo qaaday uu biyo dhacoodu ahaa, sidii looga wada shaqeen lahaa dhisidda qaran la wada leeyahay oo cadaalad ku dhisan .

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in door muuqda laga qaato gogosha nabadeed ee uu Madaxweyne Siilaanyo fidiyay, ee Burco ka dhici doonta . Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay sidii Deegaannada Gobolka Sool ay uga qabsoontay Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha .

Geest kale Madaxweyne ku Xigenkii hore ee Puntland C/samad Cali Shire ayaa Gudoomiye Faysal uga mahad naqay hadhimo sharafeedka uu ku maamuusay.