Maareeyihii Shirkada Dahabshiil Ee Muqdisho Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

Sool(GNN):-Wararka  ka imanaya  Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka sool  waxa ay sheegayaan in  habeenkii xalay aheyd  lagu Dilay magaladaasi Maareeyihii Shirkada Dahabshii ee Magaalada Moqdisho Kaas oo  booqasho ugu yimid qoyskiisa oo halkaasi ku sugan.

war

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xirsi Yuusuf Ayaa Dableey ku hubeeysan Bastooladu Waxa ay ku dileen Magaalada Laascaanood.

Xiliga la dilayay Marxuumka ayaa waxa uu ka soo baxay Mid Kamida Hotelada Cuntada Ee Magaalada

Waxaana Isna  Dhaawac Halis Ahi Soo Gaadhay Nin Kamida Ganacsatada Waa Wayn Ee Magaalada Boosaaso Oo La Socday Markii La Dilayey Marxuumka.

Lama oga ilaa iyo hadda cida Sida rasmiga ah dilkaasi uga dambeeysa.

Marxuumka ayaa waxa uu ahaa nin caan ah oo ay si weeyn u garanayaan Dadka ku Dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Sidoo Kale Dhawaan Ayeey Ahayd Markii Isku Day Dil Dhawac Lagu Soo Gaadhsiiyey Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) Oo Ahaa Gudoomiyihii Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom Iyo Gudoomiya Rugta Ganacsatada Gobolka Sool.

Xiligan Ay Dilalku Ka Soo Cusboonaadeen Gobolka Sool Mudo Dheer Kadib Ayaa Imaanaysa Xili Uu Madaxweynaha Somaliland Uu Dhawaan Usoo Magacaabay Gudoomiye Cusub Gobolka Sool.