Maayirka Caasimada Muraayada Mustaqbalka .W/Q:A/rahman Hussein.

Duqa caasimada Hargeysa cabdiraxmaan maxamuud caydiid ayaa xilka maayirnimada loo doortay April 15, 2013 , ka dib markii uu geeriyooday maayirkii ka horeeyey marxuun eng. Yusuf warsame siciid . maayir soltelco ayaa imika xilka haye saddex sano iyo shan bilood . c/raxmaan maxamud caydiid (Soltelco) ayaa ka mid ahaa musharixiintii xisbiga kulmiye ka soo baxday isagoo ahaa tartamayaashii guulaystay ee caasimada hargaysa isagoo ku soo baxay cod dhan 4455 cod noqday guulaystaha labaad xagga tirade codka . haddaba anigoon ku dheeraanayn shakhsiyada soltelco waxaan se tixraacayaa barnaamijkii qanci dadkaaga eek a baxay tvga HCTV ee ka qabsoomay hall ka greenplaca ee magaaladan hargeysa kasoo ahaa mid suaalo doora lagu weydiiyey duqa caasimada isagoo uga jawaabay si hagar la,aana in kastoo aanay suaalo loo baahnaa ee muhiimka ahaa aanay weydiin ee ay u badnaayeen mid shakhsi weerara haddana wuxuu u qanciyey si muhiima ah.

Aqoon shakhsinimo iskuma lihin maayirka laakiin waxaan ahay nin xogogaal u ah waxqabadka iyo hawlaha ay u hayaan qaran iyo bulshada dooratayba dhamaan golaha deegaanka ee caasimadu . Haddaba waxaan maqaalkan kooban u soo qaatay in maaha had iyo jeer aan wax dhaliilno ee waa muhiim in la sheego wax qabadka iyo dadaalka balaadhan ee masuuliyiintu ku jiraan hadh iyo habeen tusaale ahaan maayirku wuxuu habeenkii dhaweyd ku daray waxqabadkoodii soo iibsiga qalabkii ugu balaadhnaa ee abid ay dawlad hoose soo iibsato waxaana qalabkaa ka mid ahaa karasharka jayga , iska rogooyin , booldawsaro, iskaafeetarkii,bayfartii iyo qalab kale oo tiro badan isagoo sheegay inay iyagu dhakhligooda ka soo iibsadeen inta kalena ay xukuumada dhexe ka gacan qabatay .

Sidoo kale wuxuu sheegay inay sameeyeen wadooyin tiro badan muddadii ay xilka hayeen oo uu tibaaxay inay sannad gudihii ku dhiseen in ku dhow 27km oo guddaha caasimada ah dhanka kale waxaa jira waxqabadyo tiro badan oo kale nadiifinta iyo ururinta khashinka iyo ishaarooyinka kala haga baabuurta . . Haddaba maayirka oo kaliyaata maaha masuulka kaliyaata ee ku ceebaysan hadday  wax qaldamaan laakiin waxaa la qaba masuuliyiinta kale ee 24 xubnood ah .

Markaad eegto hawsha culus ee caasimada hargaysa maadaama ay tahay magaalo dadkii ugu badnaa ku noolyihiin haddana waxaa aad arkaysaa ama muuqata waxqabadka balaadhan ee uu muujiyey maayir soltelco isagoo ah nin dhalinyara ah laakiin aad moodo inuu yahay mid ka dhex mudday dhalinyarada reer hargaysa waxaan odhan lahaa waxa weyaan muraayada mustaqbalka  dhalinyarada reer Somaliland waxaan u ragaynayaa inuu noqdo sida madexweyanaha turkiga ee haatan mr Erdogan maxaa yeelay wuxuu mustawahaa ku gaadhay hagaajinta magaalada Istanbul.

 

Qalinkii : economist Abdirahman Hussein Ahmed (badal saqiir)

Contact me: 4467917

Email: sugule2@hotmail.com