Madaxwayne Siilaanyo Oo Hogaanka Kooxda Khaatumo Kula Kulmaya Dalka Imaaraadka Carabta

Ilo xog ogaal ah ayaa geeska Africa u xaqiijiyay in madaxwayne Siilaanyo uu magaalada Dubai kula kulmi doono ergey matali doona kooxda khaatumo Dr Cali Ciise Cabdi oo isna ka kicitimay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya,waxaana sidoo kale suurto  gal ah in Dr Cali Khaliif galaydh kusoo biiro wada hadalka.

Wada hadalkan dhex maraya madaxwayne Siilaanyo iyo madax-da kooxda Khaatumo ayaa gogol xaadh u ah shirka nabadeed ee la qorsheeyey inuu magaalada burco ka furmo dabayaaqada bisha October ee soo socoata,waxaana la filayaa in madaxwaynaha iyo hogaanka Khaatumo ay isla meel dhigaan ajandaha shirkaasi iyo waliba waxyaabaha la filayo inay kasoo baxaan iyo ergada ka qayb gali doonta.

Waftiga madaxwayne Siilaanyo ayaa haba yaraatee waxaan ku jirin masuuliyiinta gobolada sool iyo buuhoodle kaga jira xukuumadda iyo golayaasha baarlamaanka.

Dawlada Somaliland iyo kooxda khaatumo ayaa hore u bilaabay wada hadal ka qabsoomay magaalada caynabo,taasi oo fure u ahaa in labada dhinac ka wada hadlaan sidii colaada looga bixi lahaa isla markaana loo bilaabi lahaa wax wada qabsi.

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa todobaadkan si cad u sheegay inuu wada hadal kula jiro dawlada Somaliland isagoo xilalka ka qaaday masuuliyiinta khaatumo ka tirsan ee kasoo horjeestay wada hadalka Somaliland.