Madaxweynaha Dalka Suudaan Oo Sheegay Inaanu Ka Degayn Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya  Hadliye oo goor dhow la hadlay Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir aanu ka soo qeyb geli doonin shirka Madaxeedka IGAD ee goor dhow ka furmaya Muqdisho.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu cudur daar soo diray, isla markaana uu u matalayo shirka Safiirka Sudan u fadhiya Muqdisho.

“Madaxweynaha Sudan wuu cudur daartay, shirka ma imaanayo, waxaa u matalaya Safiirka Sudan”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Sida Laga Waryahayo Madaxweynaha Cumar Xasan Al-Bashiir Waxa Raadinasa Maxkamada Aduunka Inkasta Ay Dawlaha Afrikaanku Ku Gacan saydheen Go’aanka Maxkamada Aduunka .