Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Maalinta Axada La Filayo Inay Bilowdo Dhagaysiga Dacwada Khilaafka Xisbiga UCID

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maalinta axada ah oo taariikhdu ku beegan tahay 18-bishan aynu ku guda jirno la filayaaa inay bilowdo dhagaysiga dacwada khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxaysa labada garab ee ay kala hogaaminayaan musharaxa madaxwayne ee xisiga UCID Jamaal Cai Xuseen iyo gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali waraabe.

Waxaana maalinkaasi dhagaysiga dacwada kazoo xaadiraya labada garab ee khilaafku u dhaxeeyo iyadan oona maxkamaddu dhagaysan doonto khilaafkaaasi isla markaana kazoo saari doonto go’aan kama danbays ah oo noqonaya go’aan dabar u noqda khilaafkan ragaadiyay xisbiga UCID.

Bulshada somaliland gaar ahaana shacabka magaalada hargeysa ayaa saaka ilaa shalay aad u hadal hayay natiijada kazoo baxi doonta garnaqa khilaafkan u dhaxeeya labada masuul oo ay dhagaysigeeda gacanta ku hayso maxkamadda sare isla markaana maxkamaddu u mudaysay inay bilaabi doonto  18 bishan aynu ku guda jirno.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa isagu usoo gudbiyay maxkamadda sare dacwada kadib markii uu saluugay ambiil-na ka qaatay go’aan ay khilaafka xisbiga kazoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda Somaliland oo ahaa in la qabto shirwayne lagu dooranayo musharaxa xisbiga iyo jagooyinka ka banaan xisbiga uuna kamid yahay gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID.

Log11