DAAWO SAWIRADA Mudaharaad Saaka Ka Dhacey Magaalada Hargeysa Oo Lagaga Soo Horjeedo Shirkii Igad.

Magaalada hargeysa ayaa saaka waxay ku waabariisatay mudaharaadyo balaadhan oo ay dhigayaan ardayda wax ka barata dugsiyada waxbarasho ee ku yaala magaalada hargeysa iyo qaybo kamida shacabka magaalada.

Waxaana mudaharaadkani uua haa mid lagu taageerayo go’aankii kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee ay ugu jawaab celisay qodobadii kasoo baxay shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada muqdisho,iyaga oona shacabkani ay taageerayaan qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland.

Waxa xidhan qaybo kamida wadooyinka magaalada hargeysa iyaga oona ay marayaan shacabka magaalada iyo ardayda waxbarashadu isla markaana ay ku dhawaaqayaan ereyo ay ku taageerayaan madax-banaanida jamhuuriyada Somaliland.

xukuumadda somaliland ayaa iyadu soo abaabushay mudaharaadkan ay dhigayaan ardayda iyo shacabka hargeysa

1 23 11 10 9 8 7 6 5 4

 

Goordhaw filo muuqaalka mudaharaadkan