Shirkaddaha Laydhka Hargaysa oo isku khilaafsan xadhkaha Dabka ee ay dhulka hoos Marinayaan

Hargeysa(GNN) Shirkaddaha Laydhka Hargeysa ayaa khilaaf ka dhex aloosmay kadib markii ay qaarkood bilaabeen qorshe ay waayiradda dusha mara dhulka hoostiisa ay ku marinayaan, taasoo kor u qaadaysa tayadooda, isla markaana meesha ka saaraysa cabashooyinkii ka taagnaa khatartooda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Bilic xumada Caasimadda.

Mid ka mid ah shirkaddaha Laydhka oo maalmahan ba qodaysay dhulka ayey dacweeyeen shirkadaha kale ee ku bahoobay Laydhka Caasimadda, waxaanay cabasho ka dhan ah shirkadaas u gudbiyeen xukuumadda, taasoo isku day day inay dhex dhexaadiso, balse dedaalkaasi muu midho dhalin.
Dacwadda laga gudbiyey shirkadda Laydhka ee dhulka qodaysay ayaa sababtay in laga joojiyo hawshii ay waday, waxaana taagan is mari waa u dhaxeeya shirkadahaasi, kuwaas oo isku haya tartan ay ugu jiraan inay kasbadaan dadweynaha Caasimadda Hargeysa, maadaama ay ku heshiin waayeen shirkaddahani nidaam Saami qaybsi ah oo ay ku doonayaan inay ku midoobaan hal shirkadd oo maamusha Laydhka Caasimadda.

Shirkaddaha Laydhka Hargeysa intooda badan ayaa ku midoobay shirkad guud oo la yidhaa Som-power, hase yeeshee waxa jira laba shirkadood oo diidan nidaamkaasi, kuwaas oo wali gaarkooda u shaqaysta oo la kala yidhaa National iyo Gaafane Electric Power, waxaanay wadaan inay casriyeeyaan Dabkooda si ay shirkadaas kale ula tartamaan.