Somalilandeey Laba Mid Soo Gal, Beesha Caalamka Qaraarkeeda Ama Quruumaha Madaw Buugooda. W/Q: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Dawlada Somaliland waxay ka mid tahay Dawladaha Soo koroya ee ku jira jidka raadinta dawladnmiada saxda, Una heelan iney qadiyadooda dib u la soo noqoshada xornimadii luntey ka dhaadhiciyaan dunida si ay uga qayb noqoto Quruumaha Midoobay, Waxay ku taalaa mandaq xaas-xaasiya ay ku yaalaan wadamo waaweyn dunidu ixtiraamto isla markaana leh haykal dublomaasiyadeed, Ama wadamo yagu laftarkooda mudooyin dhawayd buuxiyey shuruudihii Dawladnimo iyo Dalnimo buuxda oon ogolaanayn wax Aqoonsiya oo la siiyo jaarerkooda jidka ku soo jira waayo waxay ka xidheysaa waxyaaabo farabadan yadoo Somaliland cuskaneysa Ama ay u hiilineyso istaraajiyadeedu.
Sidoo kale Dawlada jamhuuriyada Somaliland malaha wax soo saar miisaaman, warshado lagaga maarmo, ilo muhiima oo dhaqaale-galeena, badeeco dhoofta, hadaba meesha aan intaasoo dhan midna hayn waa maxay sababta ay uga maarmeysaa beesha caalamka(International Cumminuty), Waxaanu caqliga saliimka ahi ka habaabeyn in dawlada beesha caalamka ka hor timidey, Ee hadana wax ka dooneysaa waajibkeeduna ahaa dadaal iyo sidey isu iibin lahayd ay ololahaasi bilawdey, waxa cadaatey inaaney waxba dooneyn sidaa darteed baritoole yaaney inagu odhan Aqoonsi iyo wax baan doonaynaa.
Geesta kale waxay ku soo caano-maashey habsami u socodka Dimuqraadiyada oo ay meel la taaban karro ka gaadhey, waana waxyaabaha lagu aaminayo caalamkuna uu rabo sidey albaabada ugu furi lahaayeen, inkastooy milgo, maamuus, martabad iyo darajo meeqaamkedu sareeyo ka gaadhey dhinaca Dimuqraadiyada, dadaalada hawlaha la xidhiidha aaminitaanka ay dunidu Aamineyso mandaqan xaas-xaasigaa Dawladan weyn ee dulman isla markaana ku taala.
Somaliland waa taasi aan xusney heerarkeeda dadaal ee ay ku hanatey dawladnimada waarta iyo in la aqoonsado, hadaba hadii aan maanta hore u hayn weyno jidkii abidkeenba aan soconey ee waxa imaneysa caqabado fara badan oo ay ka mid tahay Rajada aqoonsiga oo ragaada, xidhiidhka jaarka iyo dunida oo xumaada, shaqayn la,aan baasaboorkeena ama jinsiyada soomaaliland, hoos u dhac arrimaha amnigaa waayo Beesha caalamku wey inla ilaaliyaan si aaney u wiiqmin waxaan dhisaney, Waxaasoo dhibaata ah kama bixi karno waaney ina saameynaysaa.
Aan u soo gudbo Beesha-caalamka hadaan taladooda bar-bar marno iyo waxyaabaha aan ka dhaxlayno, Dawladan s/land ee koreysaa uma baahna in curdinka lagu daaqo waayo haddii beesha caalamka awaamiirtooda aan diidno ogaada inakaa curdinka isku daaqney, Dadyawga reer s/land een fahansayn bahasha ayaa qaarkood ka dhawaajiyaan, Anaga waxba lanoo yeedhin mayo hadaba hadey taasi aaminsan yihiin aan isweydiino aqoonsigu waa maxay hadaan Beesha Caalamku wax kuu yeedhinayn, Fiiro gaara fahanka macnaha aqoonsi waayo umadan jarka ka gulaalani islama garaneyso macnaha aqoonsi, Definition of recognition, Waxaan macnaynanaa macnaha Aqoonsi, Aqoonsigu waa ka mid noqoshada xubin buuxda Quruumaha midoobey yadoo la adeecsan yahay Dawladnimadaada, calankaaga, iyo xad-dhuleedkaaga, Maadaama aad ka mid noqotey Gola-weynaha dunida waxaad mudan tahay in lagu Tilmaamo, lagula Taliyo, waxna lagu tuso oo ay sharci darro tahay wixii ku xad-gudbaya qobada Unta, This is minberness of united nations character, so you have take code of conducts and regulations of universal declaration by human rights and policy law un departments as obligate.
Markaa waa ineynu dareenaa in Beesha caalamku wax isu yeedhiso taasina ay tahay sharci ay isla Garteen Quruumaha midoobey qasab maaha in cidii diidaa ay haadaameysan tahay balse waxa inoo muhiima inaan garano dariiqeena waa hadaynu dooneyno Aqoonsi, hadii kale oo aaney doonayn Somaliland aqoonsiga shacabkeeda dawladu runta ha u sheegto gudida Ictiraac daarintana hala baabiiyo waayo waxba ma qaban karaan maadaamoo dalkii ku wacad-furey Beeshii caalamka taasina ay ku keento yaga dhex ahaantooda wiiqan awoodeed.
Ugu danbayntii waxaan talo u soo jeedinaynaa Dawlada maanta talada umada haysa waxaanan leenahay, Xukuumad yahay waxaad sameyseen intaad xilka hayseen kalsooni fara badan iyo isku xidhnaan balaadhan dhinaca Beesha caalamka, dadaalkiinana waxyaabo badan ayaa laynala qaatey mudooyinkan danbena waxay dunidu ku rajo-weynayd in si cad caalamka Loo hor dhigo Qadiyada Somalilnd oon ka leex-leexsho lahayn markaa waxaa dadaali samir bey ku yimaadeen Maantase hadaan ka leexano dawgii aan hayney dhibaato weyn ayaa wadanka soo food saari Teeda kale idinkuna kalsoonidii aad dunida ka yagleesheen iyo halgankii Maskax, Maal, Mihnad, Iyo Mujaahinnimoba lahaa gacmihiina ha ku Qaran-jabinina oo yaaney gacantiinu dib-udhac iyo bur-bur inoo sabibin, Si bilaa turxaana bilaa mixnada oo bilaa hungureyna aan u taageerno Beesha-caalamka iyo qaraaradooda si aan ugu dul dagno yoolkeena siyaasadeed, Dimuqraadiyadeed, Dawladeed iyo jiritaankeenaba.
W/Q: C/raxmaan Sayid Faarxa (Jeesto)
Diplomatic Annalysts
Gabiley/Somaliland