Taliyihii Guutada Saddexaad ee Millateriga Somalia oo lagu Dilay Maanta Magaalada Muqdisho.

Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) iyo ilaaladiisii qaarkood ayaa maanta lagu dilay Qarax ismiidaamin ah oo lagula beegsaday illinka Xerada Guul-wadayaasha oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaadhi qarax laga soo buuxiyay lala beegsaday baabuurkii uu saarnaa Jen. Goobaale, sidoo kalena waxaa weerarkan ka dhashay khasaare dhaawacyo ah, kuwaasoo soo gaaray ciidamadii la socday.

Sidoo kale, Jen. Goobaanle uu u dhintay dhaawac soo gaadhay, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay weerarkan la dhigay Isbitaallada Muqdisho qaarkood, iyadoo taliyahaan uu ka hawl-galayay sannadihii dambe Gobolka Shabeellada Hoose..

 

GNET