Musharax Jamaall Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Kulan Gaar Ah oo madaxtooyada somaliland uu kula yeeshay xubno ka mid ah xukuumada.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inuu kulankaasi ku saabsanaa sidii  uu madaxtooyada ugala hadli lahaa inay dhex u noqoto xisbiyada mucaaridka ah, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu maan jeclayn in arin kasta war laga dhigto oo labaahiyo, Mana jecli been abuurka iyo Cida beenta abuurta, laakiin Kol haddii ay Qoladaas Muuse Biixi gacan saarka la lehi ay badka soo dhigeen, Waxbaan ka yara taataaban, Waa uu jiraa Kulankaasi si fiican ayuu u dhacay Waxaanu ka wada

hadalnay arimo la Xidhiidha Cadaaladda iyo in Madaxtooyaddu dhex u noqoto Axsaabta Siyaasada Dalka, is-Afgarad ayuu noogu dhamaaday si fiican ayaanu isku fahamnay runtii kulan qiime badan ayuu ahaa, Waxa ay iyaguna dhinacooda iska fogeeyeen arimaha Xisbiga UCID, Waxa ay noo xaqiijiyeen inaanay wax lug ah ku lahayn arimaha la doonayo in Xisiga UCID Lagu burburiyo, balan fiican ayaanu ku kala nimid, waxa ay iga saareen Tuhun badan oo igu gadaamnaa runtii, Kulan caaqiibo leh ayuu ahaa, Madaxdii ugu saraysay Madaxtooyadda ayay ahayeen, Waan ku faraxsanahay inuu Kulankaasi sidii la rabay noogu qabsoomay, Madaxtooyadda ayuu ka dhacay, Mana Jecli inaan wax intaasi dhaafsiisan ka idhaahdo”ayuu yidhi Musharax Jamaal Oo U Waramay Wargeyska Foore.

Sidoo kale musharax Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa eedaymo u jeediyey warbaahin uu sheegay inay taageersan tahay musharaxa xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Waan ka xumahay in Warbaahintii gacan saarka la lahayd Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ay baahiyaan Been aan sal iyo raadtoona lahayn, runtii waa wax lala yaabo in laga naxo kulankaasi oo loo arko mid cid wax lagu yeelayo, waxay sharaf dhac ku tahay milgaha Xisbiga Kulmiye iyo ka warbaahinta in Kulan ka dhacay qasrigii dalka looga ariminayay in laga been abuurto oo waliba ay baahiyaan warbaahin Gacan saar la leh Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waa ayaan daro in wax walba laga shakiyo, marnaba ismaan lahayn Kulankaasi cid ayuu wax yeelayaa waa kalsooni daro haysata saaxiibaday aan garanayo inay Ka sasaan Kulankaasi Jamaal Madaxtooyadda la qaatay, anigu waxaan u arkaan kulan qiime badan oo sharaf iyo maamuus lahaa oo dantii aan lahaa si fiican uga jawaabay, maaha in halkii dalka looga talinay ay cid gaar ahi u qaadato inay u xidhan tahay oo ay u gardaduuban tahay, Waa meel dadka iyo dalkaba u dhex ah oo cidii arini ka gasho ay tagi karto, waxaan u arkaa fulaynimo iyo kalsooni daro in Wax walba laga shakiyo oo loo qaato in cid gaar ah wax lagu yeelayo”

Log1