Wafti Culus oo Ka Socda Maraykanka oo Somaliland Maanta Ku Soo wajahan iyo Waxa uu Daaranyahay.

Waftigan oo maanta dalka imanaya ayaa waxa ay kulan la yeelan doonaan madaxwayne Siilaanyo iyo wasiirka arimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire,waxaanay u gudbin doonaan mawqifka dawlada maraykanka ee go’aanka madaxwaynaha somaliland ku kala qaaday labada doorasho,waxaanay madaxwayne Siilaanyo ka dalban doonaan inuu ka noqdo go’aankaas si aanu dhaawac ugu imaa kalsoonida iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka iyo jamhuuriyada somaliland.Masuuliyiintan  maraykanka ahi waxay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” u muujin doonaan in talaabadani hadii aanu ka noqon ay dhaawaci doonto kaalintii ay qaadhaan bixiyayaashu kaga jireen hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorasho ee somaliland,waxaanuu mawqifkoodu la mid yahay bayaanki i ay dawlada ingiriiska oo ka wakiilka ah beesha caalamka oo maraykanu ka mid yahay ay ku cadaysay sida ay uga soo horjeedaan go’aanka madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.Hase yeeshee lama saadaalin akro jawaabta uu madaxwayne Siilaanyo ka bixin doono aragtida maraykanka iyo inay la mid noqon doonto jawaabtii uu hore ugu gudbiyay waftigii ingiriiska iyo inay ka duwanaan doonto.Wufuud kale oo ka socda midowga yurub iyo dalal kale oo reer yurub ah ayaa iyaguna todobaadkan soo gaadhaya caasimada somaliland ee hargeysa,iyaga oona xukuumadda somaliland soo gaadhsiin doona aragtidooda taban ee ay kaga biyo diideen in lakala qaado labada doorasho.

Socdaalada wafuudan ayaa kusoo beegmaya iyaga oo ay golaha wakiilada somaliland oo ah xildhibaanada mudada loo kordhinayo doorashada dib loogu dhigayaa aqlabiyad ku ogolaadeen soo jeedinta madaxwaynaha ee ah in lakala qaado labada doorasho oo ay danbayso doorashada golaha wakiiladu.