DAAWO Golaha Wakiilada Somaliland Oo Saaka Ka Dooday Go’aanka Madaxwaynaha SL Ee Kala Qaadista labada Doorasho

Fadhigii Ay Saaka Yeesheen  Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland  Oo Uu Shir Gudoominaayey Gudoomiye Ku Xigeenka Golahaasi Ayaa Waxaa Ay Cod Gacan Taag Ah U Qaadeen mudanayaashu Kala Qaadistii Labada Doorasho Ee Madaxtooyada Iyo Wakiilada ee uu usoo gudbiyay madaxwaynaha somaliland.Fadhiga Saaka Oo Ay Ka Soo Xadireen 59 Muddane Ayaa Waxaa Ogolaadey Kala Qaadistaasi 52 Muddane Waxaa Diiday 5 Xildhibaan Gudoomiyuhuna Muu Codeyn halka hal mudanena ka aamusay Sidaasna Waxaa  Ay Xildhibaanadu Ku Meel Mariyeen Kala Qaadista Labada Doorasho ee golaha wakiilada somaliland iyo madaxtooyada.

Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax Oo Isagu Shir Gudoominaayey Fadhigan Saaka   Oo Waraabinta La Hadley Waxaa Uu Sheegay In Go,Aankooda Maxkamadda Sare Loo Gudbin Doono Isla Markaana Muddo Kordhinta Golaha Wakiilada Loo Sameynaayo Mudada Ay Noqon  Doonto Ay Go,Aan Ka Gaadhi Doonan Golaha Guurtidu.