WAR DEG-DEGA MADAXWEYNAHA JABUUTI OO LA XAQIIJIYAY IN AANU KA QAYB GALAYN SHIRKA IGAD EE KA FURMAY MUQDISHO

Waxa Hadda Si Rasmi Ah Loo Xaqiijiyay In Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle  Aanu ka mid ahayn madaxweynayaasha urur goboleedka IGAD ee ka qayb galaya shirka ka furmaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayey wararku sheegayaan inuu shirkan uga baaqday ka dib markii ay ciladi Ku Timid diyaaradii uu la socday, taas oo sababtay inay dib ugu laabato wadanka Jabuuti Halka ay wararka qaarna sheegayaan inu uga maagay shirka sababo dhinaca amaanka ah.


Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Hadliye oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey inaanu madaxweynaha Jabuuti Geelle ka qayb galayn shirka madaxda urur goboleedka Igad uga furmaya Muqdisho.

 

Log1