DAAWO WASAARADA CIYAARAHA SOMALILAND OO KU DHAWAAQDEY WAKHTIGA LA BILAABI DOONO WAREEGII LABAAD EE CIYAARAHA GOBALADA

Masuulyiinta wasarada ciyaaraha Somaliand oo maanta warbaahinta kula hadley xarunta wasaarada ayaa waxaa ay si rasmi ah u shaaciyeen wakhtiga la bilaabi doono wareegi labaad ee tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland oo wajigii hore lagu soo gobo gabeeyey gobalka Awda

Masuulyiintan ayaa waxaa ay sheegen in wareega labaad ee tartankaasi uu bilaabi doono 27.10.2016 isla markaana uu ka qabsoomi doono caasimada Hargeysa

Sidoo kale waxaa ay masuulyiintani ay sheegen in ay ka soo qeyb gali doonan tartankaasi 8 Gobol oo ku soo baxay tartanka kubada cagta kala ahna gobaladan .

Gobalka Hawd , Gobalka Sool , Gobalka Sanaag , Gobalka Xaysimo , Gobalka Daadmadheedh , Gobalka Awdal , Gobalka Gabilay iyo Gobalka Saaxil.

Dhinca kale tartanka kubada kolayga waxaa ka soo qeyb gali doona Sideed gobol ee kala ah Gobalada Maroodi-Jeex, Awdal , Gabilay , Hawd , Saaxil , Togdheer, Daadmadheed iyo Sanaag