Wasaaradda Deegaanka Iyo Dawlada Hoose Hargeysa Oo Kaashakanaya Ciidanka Booliska oo Hawl Galalo Ka Wada  Caasimada.

Waxaana cidamadan oo u socday koox koox ay baadhayeen meherada ganacsi ee tukaamada ah kuwaasi oo ka baadhayay isticmaalka bacaha oo ay dawlada Somaliland awaamiir kasoo saartay.Ciidamada ayaa tukaanka ay ku arkaan inuu iibinayo bacaha waxay ku ganaaxayeen lacag dhan shan boqol oo Somaliland shilling iyo waliba inay kaxeeyaa qofka haya tukaanka oo ay xidhaan.

Ciidamadan baadhayay tukaamada iyo goobaha ganacsi ayaa waxa wahelinayay xubno masuuliyiin ah oo kasocday wasaaradda deegaanka iyo dawlada hoose kuwaasi jarayay ganaaxa lacageed ee la dul dhigay masuulka tukaanka haysta.

Mar ay shabakada Ramaasnews u kuur gashay si ay wax uga soo ogaato arinkani ayaa Dadka haysta goobaha ganacsi ee ay ciidamadu baadheen waxay noo sheegeen inaan lasiin wax digniino ah iyaga oo sidoo kale ka dhawaajiyay inay bacahu si sharci ah uga soo dagaan dekeda magaalada berbera,taasi oo aanay xukuumaddu waxba ka qaban,sidoo kale dadwaynaha ayaa ku tiraabayay in lacagta lagu ganaaxayay ay aad u tiro badan tahay qaarkoodna aanay awoodin balse loogu hanjabayay xadhig .